Natiijooyinka Ciyaaraha Koobka Afrika: Ghana vs Mali (1 – 0) [Sawiro]

Ciyaarihii Khamiistii dhexmaray kooxaha Afrika ayaa waxaa ku kulmay Ghana vs Mali iyo ciyaarta labaad oo dhexmartay kooxaha Niger vs Dr Congo.

Ciyaarta 1aad ayaa ahayd iyadu midii ugu xiiso badneyd labadii ciyaar ee shalay la dheelay, iyadoo kooxda Ghana oo kamid ah kooxaha rajada weyn leh tartankan ay kooxda Mali hal gool uga guuleysatay, kooxda Mali ayaa iyadu horey hal mar usoo guuleysatay.

Ciyaarta labaad ee dhexmartay Niger iyo Dr Congo ayey labada dhinac keensan waayeen wax goolal ah, iyadoo kooxda DR Congo marar badan ay heleen fursado ay goolal ku dhalin karaan qeybtii hore ee ciyaarta iyo waliba qeybtii danbe, balse ka faa’iideysan waayey fursadahooda. Kooxda Niger ayaa dhibicdii ugu horeysay helay kadib markii ay ciyaartii shalay barbar-dhac la galeen kooxda DR.Congo.

Ciyaarihii [January 24] 
FT Ghana 1 – 0 Mali
 FT Niger 0 – 0 DR Congo
Ciyaarihii January 23 
 FT South Africa 2 – 0 Angola
 FT Morocco 1 – 1 Cape Verde
Ciyaarihii Salaasa   [January 22]
 FT Ivory Coast 2 – 1 Togo
 FT Tunisia 1 – 0 Algeria
Ciyaarihii Isniin  [January 21 ]
 FT Zambia 1 – 1 Ethiopia
 FT Nigeria 1 – 1 Burkina Faso
Ciyaarihii Axadii   [January 20 ]
 FT Ghana 2 – 2 DR Congo
 FT Mali 1 – 0 Niger
Ciyaarihii Sabtidii  [January 19] 
 FT South Africa 0 – 0 Cape Verde
 FT Angola 0 – 0 Morocco

Koobka Afrika ayey ku tartamayaan 16 kooxood oo loo kala qeybiyey 4 Qeybood (Groups).

Group A
South Africa
Cape Verde
Morocco
Angola

Group B
Ghana
DR congo
Niger
Mali

Group C
Zambia
Ethiopia
Burkina Faso
Nigeria

Group D
Ivory Coast
Togo
Algeria
Tunisia

Kooxahan ayaa yeelan doona min 6 ciyaar, kadib waxaa is reeb reebka Group-ka, kooxda ugu dhibco badata ayaa usoo bixi doonta wareega. Waxaana la filayaa Afarta kooxood ee kasoo baxa Groupska ay u gudbi doonaa (Quarterfinals).

Ciyaaraha Quarterfinals ayaa dhici doonaa maalmaha 2 iyo 3 Feberaayo. Kadib ciyaaraha Semi-finalka ayaa dhici doonaa 6 iyo 9 Feberaayo.

Maalinta 10ka Feberaayo ayaa la qorsheeyey inay Stadiumka Johannesburg ay ka dhacdo ciyaarta Finalka.

Abdi Deeq
Horseed Media

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »