Qunsulka Talyaaniga oo lagu weeraray magaalada Benghazi

-

Qunsulka Dowlada Talyaaniga u fadhiya dalka Liibiya ayaa lagu weeraray magaalada Benghazi ee caasimada labaad ee dalkaasi Liibiya.

Weerarkan oo ayey kooxo hubeysan habeenimadii xalay la beegsadeen  Guido De Sanctis oo ah Qunsulka Talyaaniga ee wadanka Liibiya, xili uu kasoo baxay Qunsuliyada Talyaaniga uu ku leeyahay magaalada Benghazi.

Qunsulka ayaa la socday gaari aan xabadu karin, waxaana la sheegay in aan wax dhaawac ah weerarkan kasoo gaarin. Kooxda weerarkan fuliyey ayaa la sheegay inay baxsadeen kadib markii ay rasaas la dhaceen gaariga uu saarnaa Qunsulka. Sidoo kale illaaladii la socday Qunsulka ayaa la sheegay inay iyaguna xabado rideen.

Dowlada Talyaaniga ayaa kamid ah wadamada reer Galbeedka ee saameynta weyn kuleh dalkaasi Liibiya, waana wadankii horey usoo gumeystay dalkaasi.

Weerarkan ayaa ah kii labaad oo lala beegsado diblumaasi sare oo ka socda wadamada reer galbeedka oo lagu weeraro gudaha magaalada Benghazi. Bishii September ee lasoo dhaafay ayaa isla magaaladaasi lagu dilay Safiirkii u fadhiyey Maraykanka kadib markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen qunsuliyada Maraykanka ku leeyahay magaaladaasi.

Horseed Media
News Desk

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »