Shir tuulada Xiriiro ee gobolka Bari ugu soo dhamaadey mid ka mid ah beelaha dega Bari (Sawiro)

Waxaa Tuulada Xiriiro ee gobolka Bari maanta lagu soo geba gabeeyey Shir muddo 12 cisho ku dhow ka socday halkaas kaas oo ay lahaayeen bulshada degta halkaas.

Shirka ayaa ahaa mid looga arinsanayey qodobo dhowr ah sida: ka shaqeynta horumarka deegaankaas. Waxaana geb-gabadii kulanka ka hadlay Suldaan Cumar Maxamed Geesdiir oo ka sheekeeyey muhimadda shirku lahaa isla amrkaana la dardaarmey bulshada halkaas ku dhaqan.

Suldaanka ayaa sheegay in mar walba loo baahanyahay in laga wada shaqeeyo wanaajinta derisaynta, horumarinta deeganka iyo waliba xal u helidd khilaafaadka dhaca mararka qaarkood.

Ugu dambeentii Suldaan Gees Diir ayaa  kula dar daarmay dhammaan beesha Cumar Cali oo iyagu kulankaasi qabsaday in lawada shaqeeyo .

Hadaba waxa gunaanadkii shirkaasi kasoo baxay qodobo muhiim ah oo ay kamid yihiin :

1-Ka shaqaynta Daris wanaaga
2-Horumarka adeega bulshada sida:Waxbarashada ,Caafimaadka ,Nabadgalyada,Biyaha iyo waliba ka hortagidda nabad guurinta carada.
3-Ku Wacyi galinta bulshada nabadda
5-Ku dhiiri galinta bulshada wixii horumar ah Sida: Ganacsiga,Beeraha ,Khayraadka badda .

C/raxmaan Cabdi Maxamad(Xudeyfi)
Horseed Media.
Bosaso- Puntland -Somalia

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »