Weerar bambaano oo ka dhacay magaalada Karachi

qaraxKarachi1

Weerar bambaano oo shalay gelinkii danbe ka dhacay magaalada Karachi ayey ku dhinteen ugu yaraan 2 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 ruux, kadib markii bambaano lagu qarxiyey gaadiid siday taageerayaasha xisbiyada Islaamiga ah.

Weerarkan ayaa lala beegsaday gaadiid u badan basas oo siday taageerayaasha xisbiyada Muttahida Qaumi Movement oo ah xisbiga ugu awooda badan Karachi iyo Xisbiga Tehreek-e-Minhajul Quran – oo uu hogaamiyo Wadaadka Tahir-ul Qadri.

Weerarkan ayaa loo adeegsaday mooto lasoo saaray bambaano oo la dhinac dhigay wadada ay gaadiidku marayeen.

Magaalada Karachi oo ah caasimada ganacsiga ee Pakistaan ayaa waxaa ku dhaqan 18 milyan oo qof, waxaana mar walba ka dhaca weerar u dhaxeeya shiicada iyo Sunnida.

Sidoo kale Kooxda Talibanka ayaa magaaladaasi horey uga fulisay weeraro ay la beegsato gaadiidka ay adeegsadaan ciidamada Maraykanka iyo NATO oo dekkada Karachi kasoo dejista saheydooda u socota ciidamada ka jooga dalka Afghaanistaan.

Horseed Media
News Desk

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »