Koox Hackers ah oo weerar ku qaadey shabakadda Twitter

516274171_29000579

Shabakadda isku xirta bulshadda isla markaana loo isticmaalo fariimaha iyo isu gudbinta wararka ayaa waxaa dhulka ku dhuftey koox Hackers ah.

Shirkadda twitter ayaa Blog ay leedahay ku sheegtey in ay u suurta gashey Hackers-ku in ay qabsadaan 250 000 oo Koonto, isla markaana ay heleen, magaca Isticmaalaha, Xarfaha sirta ah ee ay ku galaan (Password) iyo cinwaankiisaba.

Shirkadda Twitter ayaa dib u beddeshey dhamaan xarfaha lagu galo (Password) Koontooyinkii la jabsadey, waxaana ay email u dirtey dadki isticmaalayey, waxaana Twitter ka codsadey in ay samaystaan xarfo cusub oo ay ku galaan Koontada ay ku lahaayeen twitterka.

Shirkadda Twitter ayaa aaminsan in weerarka loo geystey dadka isticmaala Twitterka ay xiriir la leedahay weerarada ay wadaan Hackers-ka ka soo jeeda dalka Shiinaha kuwaas oo muddooyinkii danbe weerar ku hayey Joornaalada waa-weyn ee New York Times iyo Wall Street Journal kadib markii ay heleen xog ku saabsan musuq-maasqu u sameeyey wasiirka kowaad ee Shiinaha iyo Xaaskiisa oo lacago aad u badan ka dhacay dalkaas.

Horseed Media
News Desk

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »