Madaxweynaha Soomaaliya oo London lagu soo dhaweeyey (Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gaarey magaalada London ee dalka Ingriiska halkaas oo booqasho uga bilaamatey, Wefdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Wasiirka arrimaha dibadda ahna raysalwasaare kuxigeen Marwo Fawsiya Yusuf Xaaji Adam, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Faarax Cabdulqaadir iyo Marwadakowaad ee Soomaaliya sida uu sheegay Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa muddada u joogo kulan la qaadan doona raysalwasaaraha Britian David Cameron, waxyaabaha ugu weyn ee ay ka wada hadli doonaan waa xirirka labada dal sidii is bedel weyn loogu samayn lahaa, Ajandaha Shirka dib u dhiska iyo hormarinta Soomaaliya ee bisha May 2013 lagu qaban doono London kaas oo ay wada shirguddoomin doonaan madaxweyne Xassan & David Cameron.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay nin safarkaani qayb ka yahay safaraii Madaxweynuhu dib ugu soo celinayey cilaaqaadkii Soomaaliya la lahayd dalalka caalamka

Madaxweynaha ayaa maalinta isniinta ah 4/2/2013 khudbad ka jeedin doona Aqalka Chatam house ee magaalada London halkas oo su’aalaad lagu weydiin doono ku aadan marxaladda cusub ee ay Soomaaliya gashey iyo siyaasadda dowladiisa.

Madaxweynaha ayaa la sheegayaa in uu kulan la qaadan doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee London muddada uu joogo.

Horseed Media
News Desk

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »