Maxaa loo Dilay Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax?

بسم الله الرحمن الرحيم

الحمد لله الذي خلق الموت والحياة ليبلونا أيّنا أحسن عملاً والصلاة والسلام على المبعوث رحمة للعالمين القائل إنما بعثت لأتمم مكارم الأخلاقالذي سمّاه ربّه حقا بالمؤمنين رؤفاً رحيماوالذي قال في أحرج وأصعب وأضيق ساعات دعوة ربه , داعيا لقومه المشركيناللهم اهد قومي فإنهم لا يعلمونوعلى آله وصحبه الأخيار ومن تبعهم باحسان إلى يوم الدين

وبعد

Marka hore Alaah baan ku mahadinaynaa xaalad walba oo na soo waajahda dhib iyo dheefba, marka xiga shaki kuma jiro in lays imtixaamay, kuwii sabra oo sugnaada Allaha naga dhigee, geerida culumada, waalidka iyo saalixiintu waa dhaawac kugu yaal oon sahal ku bogsan, markay dulmi sabasatan ka sii daran, shalay bay ila tahay markii Dr. Ahmad Xaaji Abdiraxman – رحمة الله عليه- anagoo wali jiifna sadexdii habeenimo naloo kaga sasiyay hurdada khabarkii naxdinta badnaa ee qadarta Rabbi ka sokow, dalamadu soo qorshaysay, maantana waa faajica kale oo la mid ah tii hore, waa sheikh Abdulqaadir Nuur Faarah- رحمه الله إنا لله وإنا إليه راجعون اللهم أجرنا في مصيبتنا وأخلفنا خيرا منها -.

Maalinkaas baan ku hadaaqay erayo ay ka mid yihiin kuwan:

  • Ibna eedo aqal udgoon idan Ilaah noqay abaalkaagu
  • Albaabadii fardowsaad la yeel ila xirkaagiiye
  • Shuhadada abaalkoodi allow aadan il ka duufin
  • Ha argagixin markii uumiyaha iilka laga faydo
  • Ajashaada kama xumi oo waa idan Ilaaheene
  • Waa amar la gooyoon marnaba laga ahaanayne
  • Haddayna dunidu agab leedahooy cidi abaadayso
  • Udgoonow Rasuulkeenii baan laga aroorsheene
  • Waxes uur ku taalada na baday oon la wada oynay
  • Ehelkiyo axaabtii wxii olol ka yeeraayay
  • Ibna faarax sheekheennii uu uurku gubanaayay
  • Akhyaarkii Idiris iyo culumadii wada ilmaynaysay
  • Waa ardada agoomowday iyo cilmiga iilka lagu aasay
  • Aqoontiyo sharciga diinta oo la afla gaadeeyay
  • Aqwaashiii udgoonaha oon la marin abaalkeeda.

Geeridu xaq weeye kulligeenna geeri sugayaal baynu nahay, waxaase dhibka sii kordhinaya waa dulmiga iyo gardarrada, waa arxan darrada iyo abaal ka dhaca xadka ka baxay. In culumada la xurmayn waayo maqaamkooda la garan waayo maxaa lagu fasiri karaa? Ma diin xumi iyo iimaan yari baa, ma jaahilnimo iyo akhlaaq xumaa? mise waa duqonimo iyo garaad la’aan?

Haddi la laayay ka warrama? Waa musiibo wayn, waxaana tala ahaan ugu soo jeedinayaa dadka ku nool dhulka lagu daadiyay culumadaas dhiigooda inay Allaah danbi dhaaf waydiistaan ciqaabtiisana ka magan galaan ربنا لا تؤاخذنا بما فعل السفهاء منا waxaan shaki ku jirin in ay tahay arin cabsideeda mudan ciqaabna ka soo dagi karto Ilaah hayna ka nabad galiyee.

 

  1. Ninkii iimaan dhabihi dheehay amuu dhuuxa kaga yaalo
  2. Kaan dhalan rogminoon qalbiga dhooddi laga saarin
  3. Markuu dheehdo dhagarqabuhu intu dhibo inoo gaystay
  4. Dhiiggaaga yaal dhulkaad Rabbiga ugu dhawaanaysay
  5. Dhugashada quraa qalbigu inuu dhaawac noqonaayo
  6. Ilmaduna dhibcaysoo ay waliba dhabanka qoynayso
  7. Ayaan dhaar ku marayaa hadaad iga dhabaynaysid
  8. Kuwii dhinaca kaa jiray markuu cijligu dhumuca tuuraayay
  9. Dhaayaha ku saaray markaad jooga ka dhaqaaqday (sii dhacaya)
  10. Oo haddana dhiirradoo dhagar qabaha dhuumasha u diiday
  11. Alla dhowrye dhabar adayg inay muujiyeen waa mid noo dhigane
  12. Adna dhimatye dhib dambe Allow aadan dhaayahaba saarin
  13. Cimrigaagii dheeraa intaad dacdawada soo dhiraandhirisay
  14. Towxiidka dhuuxa intaad dhigtood kor u dhawaaqaysay
  15. Xikmad baa lays dheeryahee intaad ula dhawaanaysay
  16. Miraheeda waan dheefsanoo wadadu waa sida dharaartiiye
  17. Dhaxalkaagu dhumimayo shiikheeniiyow ee dhib li’I seexo
  18. Shuhadada dhigaalkoodii Ilaah darajo kuu dhiibyay
  19. Annagana fitanada nagu dhex furan nala ka dheereeyay.

 

Dib u Milicsiga Qorshihii Sheikhaynka Lagu Dilay

Sida aynu la wada socono fitnadan culumada qaarna lagu laayay, qaarna ku handadan yihiin ma ahan mid habeen iyo maalin ku bilaabatay, ee mudo dheer ayay soo socotay, waxayna soo martay marxalado kala duwan, waxaana jilayaal ka ahaa qolooyinkaan soo socda.

1- Mediaha Amase Saxaafadda: oo inta aan anigu ka aqaan ay ka mid yihiin somalimidnimo.com, soomalimmemo.com, AmirNur.com, Harar24.com, oo howlaha ay ku mashquulsanaayeen walina ku howlan yihiin sidan yihiin:

- Been abuur culumada lagu been abuurto laguna eedeeyo wax ayna ahayn ama oran, iyadoo la taxriifinayo hadalladooda loona fasirayo sida laga rabo.

-Waxaa lays qabadsiin jiray sawiradooda iyo faallooyin la maleegay lana ikhtiraacay si laysu waafajiyo masawirka iyo faallada qoran.

- Dabagal la daba galo dhaqdhaaqooda iyo muxaadaraadkooda si loogala soo dhex baxo waxii lagu biirin lahaa faallooyinka la doonayo, si taas u suura gashana waxaa la jar jararaa muxaadaraadka ayadoo lagala soo baxayo hadal saabiq iyo laaxiq midna aan lahayn oo daba go’an, laguna ayidayo nusuus iyo aqwaal cuuma hore leedahy oo google cut & paste looga soo raray, laguna xad gudbay, waaqic aysan lahayn loo adeegsaday.

- Waxaynu xasuuusanaa in hidden cameraadka iyo rekoorada lala daba socon jiray, iyagoo ku sugan culumadu Baytullaahil Xaraam gaar ahaan Mina iyo meel kasta oo ay fursad ka heli karaan sida masaajida.

- waxaad ku arkaysaa websiteyada aan kor soo sheegay culumada masawiradooda oo darbiyada ku sharaxan oo gaalo lagu dhajiyo sawiradooda, inkastoo hadda sheikh Abdulqaadir laga bixiyay meelaha qaarkood masawirkiisii , taasoon u fahmay – Wallaahu Aclam- in qorshihii laga laha fulay.

Hadaad xasuusataan mawadicda ugu caansanaa waxay ahaayeen kuwan “Ma soo gaartay wadaad iyo gaal gaar u wada taagan” , culumadii masaajidka safiirka maraykanka ku soo dhawaysay, wadaadadii dumarkii iyo caruurta kaniisadaha ku shubay, Sheikh Abdulqaadir Nur farax oo mahiiga u mahad celiyay suuratu Maaidana ku dul akhriyay, sheikh abdulqaadir oo dastuurkii gaalada ammaanay, ictisaamkii ogaadeenya oo males sinaawi u galay, Nimanka khamiisyada cad cad xiran ee dayaarada ku goosha , gacanna chicken shiilan ku wata, gacanta kalena Coca Colada qabow ku wata iwm.

Intaas iyo in kaloo badan oo la mid ah, danta laga lahaa waxay ahayd, in marka hore waaqica aynu manta joogno la diyaariyo wadadana loo xaaro, culumada magaca laga dilo marka hore, dhulkana lagu jiido(اسقاط الرموز), marka xigana xerada islaamka laga saaro oo la yiraahdo waa gaaloobeen, waa jawaasiis gaaladay la shaqeeyaan,marka xigana dhiigooda la qubo sida haddaba dhacday.

2- Qolada comentiga ka bixisa waxa ay soo qoraan: kuwaas oo laba nooc ah, kuwa run mooday waxaa la daldalayo niyadad wanaag amaba diin jacayl ha ku bixisee dhex booday fitnadaan.

Waxaan xasuusta qof dumar ah oon inaan magacaabo aysan muhiim ahayn, wallow ay ummu fulaanah wadatay, ayaa waxay commenti ku soo bixisay sidan: “Sheikh Umal macalinkayguu ahaa Ilaah dartiis baana u jeclaa intuusan ilxaadka ku dhicin”! waxaan wayddiiyay inay taqaano kalmada “ilxaad micnaheeda iyo ilxaadka sheikh Umal ku dhacay waxa ay ka wado,waxay ku soo jawabtay war tira badan oo gogol dhigiisu yahay jihaad buu diiday gaaluu garabka saaray iwm.

Qolada kale,oo ah kuwa qorshaha wax kaga jira ayna dhici karto inay yihiin kuwii waxa soo qorayay laftooda oo magacyo been ah samaystay iskana dhigaya dadwayne commenti bixinaya

Mid wax gabay ku sheega tiriya baa laha sidan:

U ducee Mahiigoo duqana waad maqlaseene

Maaiduu ku daah furay markuu dhiibay magaciise, sheikh abdulqaadir رحمه الله buu ku jeedaa

Mid kalaa wuxuu lahaa “lakala miiranye allow mililiq hay raacin

3- Fatwooyinka wadaadka kooxdaan:

Waxaynu wada xasuusanahay fataawidii caanka noqotay , qorshahana lagu dhamays tiray laguna xaaleeyay dhiigga culumada ee uu jeediyay walina uusan ugaalkay ka tanaazulin, wadaadka la yiraahdo Xassaan Xuseen Adam, laqabna looga dhigay “shaykhul Islaam” si sharciyad dheeraad ah iyo haybad loo huwiyo hadlakiisa, fataawidiisana shaki loo galin sida: Wadaadada jihadka diidan adduunka ha la dhaafiyo” “ Fasaadkoodaa loo dilayaa”, “Al qaatilu mujaahid, wal maqtuulu shahiidun”.

waxaan wada daawanay badankeen in wiil ka mid wiilashii qiraalka ka sameeyay qaybtii ay ku lahaayeen dilkii Dr Ahamad -Allaha u naxariistee -uu lahaa: waan ku dhiiran waynay dilka dictoorka ilaa nala dhagaysiiyay cajilad uu xassan soo duubay markaas baan qanacnay!

Fataawidii wadaadku waxay iska soo daba dhcdo waxay ku soo gabagabowday fatdawadan qar ka boodnimada iyo dhiirranida aan loo meel dayan ka muuqato: “Jamaacatu Ictisaam bil kitaab wa sunnah waa jamaacah murtaddah!”

Gunaad iyo Gabagabo

Haddii aynu intaas oo marxalada ah oo qadiyadaani soo martay aynu u soo joognay waxa dhacay waa nabar aad filaysay naxdin maleh, waxaanse Allaah ka baryayaa in culumada iyo wax garadka iyo dadwaynahaba inta hartay ka kaafiyo sharkooda, cid sheikh abdulqaadir ka danbaysayna uusan ku salladin, iyagana hanuun iyo toobad siiyo hadday ehel u yihiin.

Qore: Cubtan Yusuf

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »