Orodyahankii Koonfur Afrika Oscar Pistorius oo loo xiray dil

oscarPistorius

Orodyahanka reer Koonfur Afrika isla markaana heysta bilada Dahabka ee Olymbikada ayaa loo xiray dilka haweenay ay saaxiibo ahaayeen.

Oscar ayaa lagu xasuustaa ordayahanadii ciyaaraha fudud ee aduunka kusoo caan baxay waana nin ay go’an yihiin labada lugood. Oscar ayaa si weyn caan uga ah dalka Koonfur Afrika.

Booliiska ayaa xiray xalay (Khamiis) orodyahankan kadib markii laga helay gurigiisa meydka haweenay ay saaxiibo ahaayeen.

Jaraa’iidka Koonfur Afrika ayaa saaka qoraya in haweenaydan uu dilay Oscar kadib markii u maleeyey inay ahayd tuug usoo dhacaya gurigiisa.

Dalka Koonfur Afrika oo ay had iyo jeer ka dhacaan falalka dilka iyo dhaca ah ayaa qaar badan oo kamid ah maalqabeenada dalkaasi iyo ganacsatada iibsadeen hub ay isku illaaliyaan.

Macada in dilkan uu salka ku hayo arrimo la xariira inuu ku khaldamay haweenaydaasi inay tuug ahayd ama inay jiraan arrimo kale oo qarsoon, balse booliiska ayaa diiday inay xiligan wax faah faahin ah ka bixiyaan arrintan maadaama uu hada socdo baaritaan.

Horseed Media 2013

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »