Prof.Jawaari oo kulan la qaatey Jaaliyadda Soomaalida ee Itoobiya degan – SAWIRO

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari & wefdigii uu hoggaaminayey ee ku sugnaa dalka itoobiya ayaa kulan kula qaatey jaaliyadda Soomaaliyeed ee Adis-ababa ku nool.

Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyadda Soomaalida iyo safaaradda Soomaaliya ayaa ka dhacay xaafad ay Soomaalidu ku badan tahay oo la yiraahdo Booli.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Itoobiya ayaa khudbado ay xafladdii lagu soo dhaweeyey Jawaari ka sheegay in Soomaali badan ay halkaas ku nooshahay isla markaana dalka Itoobiya si wanaagsan ula dhaqmey una soo dhaweeyey muddadii dheerayd ee ay halkaas deganayeen, iyada oo ay tahay halka isku xirta Soomaalida u dhoofeysa dalalka reer galbeedka kadib markii ay soo dalbadeen dadkoodi, iyaga oo aan wax dhibaato ah la kulmin ayey u kala dhoofaan dalalka reer Galbeedka.

Qaar kamid ah ardeyda wax ka barata Itoobiya iyo madaxda jaaliyadda ayaa iyaguna khudbadihii ay ka jeediyeen xafladda lagu soo dhaweeyey wefdigii Jawaari, hoosta ka xariiqeen sida ay u taageersan yihiin dowladda Soomaaliya iyo sida ay siyaasad fur-furan ugula dhaqmeyso dalalka deriska ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabeynsa u jeediyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Itoobiya, jawaari ayaa ka sheekeeyey isbedelka ka socda Soomaaliya iyo guulaha laga gaarey nebedgalyada, sidoo kale waxa uu ka hadley siyaasadda dowladda ee dalalka dersikas ah isaga oo tilmaamey in siyaasadoodu ay tahay mid saaxiibtinimo, sida Itoobiya oo uu sheegay in colaadii hore ay dhamaatey Itoobiyana aysan ahayn tii hore ee ay tahay dal saaxiib ah.

Horseed Media
Muqdisho, Somaliya

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »