Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sonkor oo Kismaayo aas Qaran loogu sameeyey

IMAGE1_0001cRabbi Janadii Fardowsa haka waraabiyee waxaa maanta aas Qaran loogu sameeyey magaalada Kismaayo Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sonkor oo ka mid ah salaadiinta sida weyn looga yaqaano Soomaaliya isla markaana wax badan ka geystey Qaranimada Soomaaliya iyo sidii dowlad rasmi ah ay u noqon lahayd.

Aaska Suldaanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta,Boostada iyo Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi, Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda iyo Qorsheynta Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka, Saraakiil, Mas’uuliyiinta maamulka magaaladaasi, culumaa’udiin uu ka mid yahay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool gobollada Jubooyinka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi oo aaska kadib ka hadlay goobta ayaa tacsi u diray guud ahaanba shacbiga Soomaaliyeed oo uu uga tacsiyadeeyey geerida ku timid Alle ha u naxariistee Suldaan Cabdi Cali Sokor ayadoo markaasi kadibna uu wasiirku ka hadlay taariikhda suldaanka iyo kaalintii uu ku lahaa samatabixinta umadda iyo isbedelka hormarineed ee uu hada dalka ku jiro.

Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sonkor Alle ha u naxariistee waxaa lagu xasuusan doonaa dadaalkii uu u galay nabaadinta dadka deegaanada Jubbaland ku dhaqan ilaa iyo intii ay dhacday dowladdii hore 1991kii, xilligaasoo ahaa markii lagu caano shubay.

Wuxuu door fiican ka soo qaatay shirarkii dib u heshiisiinta ee ka dhacay dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba, wuxuuna markii u horeysay ka qayb galay shirkii ay UNISOM ku qabatay gigada diyaaradaha ee magaalada KIsmaayo 1993kii kaasoo ay soo qabanqaabiyeen Gen. Max’ed Abshir Muuse iyo Amb. Cumar Macallin, wuxuuna ahaa shirkii ugu weynaa ee nabadeed ee gobolladaas kadhacy tan iyo intii ay dalka dagaalada ka dhaceen.

Alle ha u naxariistee Suldaanka wixii markaas ka dambeeyay wuxuu ahaa dhambaal side u ololeyniya sidii bulshada Soomaaliyeed nabad gelyo loo dhex dhigi lahaa wuxuu ka qaayb galay shirar dhowr ahaa oo ka dhacay dalka dibaddiis, sida shirkii ka dhacay Carte, dalka Djibouti ee lagu soo dortay madax-weynihii hore Cabdi-qaasim Salaad Xasn, sanadkii 2000, wuxuu kaloo ka qayb galay shirkii ka dhacay Mbagathi , dalka Kenya ee lagu soo doortay madax-weynihii hore Cabdullaahi Yuusuf Axmed, sanadkii 2004tii. Hadda intii uusan xanuusan wuxuu ka mid ahaa oday dhaqameedyadii wax ka waday maamul u samaynta Jubba land.

Horseed Media
News Desk

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »