Xoghayaha Cusub ee Difaaca Maraykanka oo caqabad kala kulmay Ansixintiisa

chuckhagel

Senator Chuck Hagel oo kamid ahaan jiray Xildhibaanada Senateka ee xisbiga Jamhuuriga ah ayaa lagu wadaa inuu noqdo Xoghayaha Difaaca ee dalka Maraykanka hadii uu ansixinta ka helo Golaha Odayaasha Maraykanka ee Aqalka Senateka.

Chuck ayaa shalay su’aalo lagu weydiiyey kulan dheer oo uu la yeeshay Guddiga Senateka u qaabilsan arrimaha Difaaca iyo Arrimaha Dibada. Waxaana halkaasi su’aalo badan ku weydiiyey 26 kamid ah Senatorada Maraykanka oo u badnaa Xisbigii uu kamid ahaan jiray ee Jamhuuriga.

Senatorada Xisbiga Jamhuuriga ayaa si weyn uga soo horjeeda Chuck Hagel oo xisbigooda kamid ah balse dhawaan Madaxweyne Barack Obama uu dhawaan u magacaabay Xoghayaha Difaaca.

Senator Hagle oo muddo shan sano kahor ah ka baxay Golaha Senateka, ayaa waxayaabaha ugu waaweyn oo ay ku heystaan xildhibaanada Jamhuuriga waxaa kamid ah aragtidiisa ku aadan Xukuumada Isra’iil oo uu si weyn u dhaliili jiray iyo waliba aragtidiisa ku aadan siyaasada Maraykanka ee ku aadan dalka Iran.

Saaxiibkii hore ee Chuck Hagel isla markaana ay isla ahaayeen halyeeyo ka soo dagaalamey Vietnam Senator John McCain ayaa su’aalo adag dul dhigey Chuck Hagel, kadib markii uu weydiiyey mowqifkiisi ku aadaanaa ciidamadii Maraykanka ee kor loo qaadey tiradooda s anadkii 2007, waxana McCain dhawr jeer ka codsadey in waqtigaas uu ku qaldanaa ama uu ku saxsanaa, kana codsadey in uu ku jawaabo Haa ama Maya, taas oo Hagel diidey isla markaana isku dayey in uu sharaxaad galo, taas oo McCain ku jawaabey in Hagel diidey in uu su’aashaas ka jawaabo

Senator Hagel ayaa sanadihii lasoo dhaafay ku mashquulsanaa wax qorid, isagoo qoraalo badan oo uu shaaciyey ku dhaliilay siyaasada Maraykanka ee dagaalkii Ciraaq, afghaanistaan iyo waliba taageerada Isra’iil.

Chuck Hagel ayaa ubaahan inuu helo aqlabiyada Golaha Senateka oo ka kooban 100 xildhibaan, xili in badan oo kamid ah Xildhibaanada xisbiga Jamhuuriga oo uu kasoo jeedo ay sheegeen inay horjoogsan doonaan ansixinta xilka loo magacaabay. Golaha Senateka ayaa lagu wadaa muddo todobaad kadib ah inuu codka u qaado ansixinta Xoghayaha cusub ee Difaaca Maraykanka.

Horseed Media
News Desk

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »