Xuska maalinta caalamiga ee ka guuridda gudniinka fircooniga oo Qardho laga xusay.

Waxaa magalada Qardho lagu qabtay Xuska maalinta caalamiga ee ka guuridda gudniinka fircooniga waxaana kulankaani ka soo qeybgalay Maamulka Degmada,Madax ka socotay wasaaradaha Haweenka iyo Caafimaadka,Saraakiil ka socday Hey’adda Save the Children,Ururada Haweenka iyo kuwa maxaliga ah ,Dhalinyaro,barakacayasha Qardho iyo Marti sharaf kale oo aad u farabadan.

Kulankaani ayaa waxaa laga soo jeediyey intii uu socday khudbado kala duwan oo ku aadan dhibaatooyinka gudniinka fircooniga iyo saameynta caafimaad uu ku leeyahay hablaha,waxaana kooxda Durdur ay ku soo bandhigeen Masraxiyad ay si weyn ula dhaceen dadkii ka soo qeybgalay oo ku saabsaneyn saameynta oo hablaha ku yeesho gudniinka fircooniga,waxaana sidoo kale halkaasi waxaa Tix gabay ka tiriyey Abwaanka Dada yar ee Muxaadaro waxaana la dhacay gabaygii oo ka tiriyey kulankaasi ka soo qeygalayaashii.

Ugu horeyntii waxaa kulankaani ka hadalay Gudoomiyaha Degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise oo ku dheeraaday dhibaatooyinka ay haweenka kala kulmaan gudniinka fircooniga,waxa uu sheegay in wali meelaha qaar ay ka jirto caadada gudniinka fircooniga.

Isuduwaha Wasaaradda Haweenka iyo hormarinta Qoyska Gobolka karkaar Sahra siciid Jaqanaf oo ka hadashay Kulankaani ayaa waxa ay sheegtay in sanadkii tagay dhamaadkiisa ay wacyigalin balaaran ay ka sameeyeen guud ahaan degmooyinka oo ka koobanyahay Gobolka karkaar,waxa ayna tilmaamtay in wax weyn ay tartay wacyigalintaas waxa ayna keentay in ay yaraadaan gudida gudniinka fircooniga,laakiin waxa ay caqabad ku tilmaamtay in ay wali sancadii ay barteen hablaha caadeystay in ay sameeyaan gudniinka fircooniga in wali ay jiraan,waxa ayna ku talisay in hablahaas labaro wax kale oo ay ku shaqeystaan maadaama hadii loo yeerto ay sameenayaan gudniinka fircooniga.

Xaawo Ducaale oo ka mid ah sarakaiisha Hey’adda Save the childaren ayaa waxa ay soo dhaweysay in laga gudbo gudniinka oo ah caado xun oo dhib u geysta hablaha,waxa ay sheegtay in dhibaato uu ku hayo hablaha somaaliyeed,marka ay yaryihiin,xiliga uurka iyo dhalmada kaas oo keeni kara qataro caafimaad oo soo wajaha hooyada iyo ilmaha,iyadoo halbaha somaliyeed 98% lagu sameeyo gudniinka fircooniga, ,waxa ay tusaale u soo qadatay haweenka caalamka ku nool marka ay dhalaan in saacado kadib ay qabsadaan howlihii ay lahaayeen xitaa lagama dareemo in ay dhashay iyo in kale,laakiin hablaha somaliyeed marka ay dhalaan muudoo ayee u jiifaan taasina waxaa ugu wacan sida xun ee loo guday.waa in qofwalbo mas’uuliyad iska saaraa wixii dhibaato u keenikaro hablaha hadii mas’uulyadaas si wadajir ah looga soobaxo waxaan qabaa in ay yaraankarto dhibaatooyinkaas.
Xaalimo Jacfar oo ka mid ah Urururada haweenka magaalada Qardho ayaa ka hadashay kulankaani,waxa ay sheegtay in sharci laga soo saaray arimaha gudniinka fircooniga,waxaa saxiisay madaxweynaha,waxaana ansixiyey barlamaanka Puntland sidaa daraadeed hadii si dhab ah loo dhaqan galinlahaa sharcigaas oo dowladda talaabada ku haboon ay qaadi laheyn waxbaalaga qaban lahaa laakiin waxaa muuqata insharciga aan sidii loogu talagalay aan looga dhaqmin,laakiin waxaa ku talinayaa in la sameeyo wacyigalin balaaran,iyada oo la adeegsanaayo,Idacaddaha,TVyada,Masaajidda,Goobaha ay dadka ku kulmaan,Boorar ku qoran dhibaatooyinka gudniinka fircooniga,iyo wax walbo oo ka qeybqaatan karo joojinta gudniinka fircooniga.

Sidookale waxaa kulan balaaran loo qabtay Barakacayaasha ku dhaqan Kaamka Newcamp waxaana ka soo qeybgalay intabadan dadka barakacayaasha ku nool kamkaasi,waxaa loo jeediiyey wacyigalin ku saabsan dhibaatooyin ka guurida iyo gudniinka fircooniga,waxaana Barkakacayaashas loo soo bandhigay Riwaayad ka hadaleysa Qataraha iyo dhibaatooyinka uu keeno gudniinka fircooniga,waxaana sidoo kale loo jeediyey waxyaabaha ay diinta islaamka ka qabto hadii lagu xadgudbo gabdhaha yar.

Shiikh Yuusuf oo ka mid ah Culamada ayaa ka hadlay waxa uu sheegeen in gudninka fircooniga asal iyo farac midna uusan diinta islaamka ku laheyn ,balsae uu yahay caado bidco ah oo ka soo jeeday fircoonkii reer masar ee ilaahnimada sheegtay,waxa uu umadda islamaka ugu baaqay in ay caadadaas ka tagaan uuna yahay danbi ilaahey kula xisaabtami doono hadii waalidiinta ilmahooda ku sameyyaan,waxa uu ku taliyey in la raaco sida diinta islaamka qabto.

Xuska maalinta caalamiga ee ka guuridda gudniinka fircooniga ayaa sanad walbo 6-febrauy waxaa laga qabtaa caalamka oo dhan waxa ayna u jeedada tahay sidii loo soo afjari lahaa gudniinka fircooniga, waxaana xuskaan fuliyey wasaaradda caafimaadka oo kaa shaneysa ,hey’adda Save the children waxaana dhanka maalgalinta ka caawiyey UKaid.

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »