Duqa magaalada Toronto oo ay Fadeexad ka heysato Filim ay ka duubeen dhalinyaro Soomaali ah

Duqa magaalada Toronto Mr.Rob Ford oo ay daba joogaan saxaafada xili uu sii galayey xafiiskiisa Toronto © FRANK GUNN/AP

Duqa magaalada Toronto Mr.Rob Ford oo ay daba joogaan saxaafada xili uu sii galayey xafiiskiisa Toronto © FRANK GUNN/AP

Kooxdan Soomaalida ah ayaa sheegay inay hayaan filim ay ka duubeen iyagoo daroogo ka gadaya Duqa magaalada Toronto Rob Ford, isla markaana cabaya sigaar laga sameeyey Daroogada (Cocoine). Waxaa sidoo kale la sheegay filimkan inuu ka muuqdo Duqa magaalada Toronto oo caynaya siyaasada Xisbigiisa.

Filimkan oo lagu duubay telefoonka Mobile-ka ayaa soconaya 90 ilbiriqsi, balse kooxda Soomaalida ah ee filimkan duubay ayaa saxaafada ka codsaday inay ka iibsadaan oo ay ka siistaan lacag gaareysa $200.000 (Labo Boqol oo kun oo dollar).

Labadan jariirad ee Toronto Star iyo Gawker oo lagu yaqaan soo bandhigida warar fadeexad ah ayaa diiday inay jeebkooda ka bixiyaan lacagta lagu gadayo filimkan kooxda Somalida iibineyso, balse taageerayaashooda ayey ka codsadeen inay lacagta isku soo dar daraan si loo soo gado filimkan.

Jariirada Toronto Star iyo Gawker ayaa hada bilaabay lacag aruurin ay shacabka ka qeyb qaadan karaan oo ay ku doonayaan inay ku aruuriyaan lacagtii ay ku gadan lahaayeen Filimkan. Suxufiyiinta ka socda labadan warbaahin ayaa sheegay inay indhahooda ku arkeen filimkan balse ay hada doonayaan inay soo iibsadaan si ay u shaaciyaan.

Labadan warbaahin ayaa websiteka la yiraaho  Indiegogo ka furay bog ay ku aruurinayaan lacagta iyagoo hada helay lacag gaareysa $74,000.  Shacabka Canada ayaa sugaya filimka oo la baahiyo.

toronto21n-1-web

Mayar Mr.Rob Ford,  ayaa beeniyey inuu isaga yahay qofka filimkaasi ka muuqda, wuxuuna sheegay inay arrintan buun buuniyeen saxaafada oo la doonayo in sumcada looga dilo. Balse suxufiyiinta filimkan ay tuseen dhalinyaradan Soomaalida ah ayaa dhamaantood isku raacay inuu isaga yahay qofka filimkaasi ka muuqda.

Arrintan ayaa hadii ay rumowdo noqoneysa fadeexadii ugu weyneyd ee lasoo gudboonaata Duqa magaalada Toronto.

Dhalinyarada Soomaalida ah ee daroogada ku gada dalka Canada ayaa horey saameyn ku yeeshay amniga magaalada Toronto iyagoo lagu eedeeyo in ay koox koox isu dilaan, isla markaana amniga qeybo kamid ah magaaladaasi khal khal ku haya iyagoo ka ganacsada Daroogada, hayeeshee filimkan fadeexada ah ayaa noqonaya saameyntii ugu weyneyd oo ay ku yeeshaan Siyaasada dalkaasi.

Khaalif Yusuf
Horseed Media

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »