Waa wareeeeeeey!!!!!! – Maqaal

Qoraha Maqaalka Hashi Osman Yasin hashiyosman@hotmail.com

Qoraha Maqaalka Xaashi Yaasiin Cismaan
hashiyosman@hotmail.com

Hordhac

Bisinka! Bisinka! Aniga laftigaygaaba cinwaanka maqaalka  ku naxay oo dhinacyada dhugtay. Ma anigaa waa warey iri mise cid kale? Tolow ma riyaa? Mise waa run?

Runta u badi!

Maxaa keenay dhididka faraha badan ee wejiga ka da’aya?  Muxuu wadnuhu ila dikaamayaa? Muxuu yahay sangororka dhididkii ku darsamay? Maxaan la hiinraagayaa?  Maxay luguhu ila gariirayaan? Maxay gacmuhu ila sarcaynayaan? Muxuu jirka badankiis ii dubaaxinayaa? Maxaan la dammaadsanahay?  Maxay xubnuhu ila wada xanuunayaan? Ma cudur halis ah baa igu dhacay mise shil xun baan galay? Ma shisheeye baa saatan ii galay mise anaa sidii ruux mingis ku dhacay, mindi is kala daalay?

Bal adba!

Maxaa iga dhex yeeraya? Ma xubnihii jirkaygaa isku dhex rafanaya? Maxaa takhaatiirta adduunkoo dhan ii wada keenay? Ma keligay baa ka haray bukaankii caalamka? Maxaa jirkayga oo dhammi ay faleebayaashu ugu rakiban yihiin? Ma daawooyin baa igu socda mise dhiiggaa layga miiranayaa?

Mise xubnahayga  muhiimka ah baaba laygala bax baxayaa,anigoo soo dhega dheer?!

Alla ciil iyo caro iyo xanuun badanaa!!! War yaa islaamoo  i kala dhacsha! Oo haddana na kala dhacsha! keddibna iga dhacsha takhaatiirta?

Waa wareey!

Maxaa takhaatiirta igu keliyeeyey!!! Meeye dadkaygii .. carruurtii.. dhallinyaradii.. dumarkii.. nimankii.. RAGGII? Xaggee bay u kala haajireen!!!??? Ma dabka laygu shiday iyo qaaca laygu buufiyay baa kala yaaciyay sidii shinni oo kale! Wallee la ii tashay, laygana kala carar, Maxay tiri habartii jabadka looga guuray, “Bal wax baan dhawri!!”

Ciillow ba’!

Wallee waa ii dhammaatay! Istaaqfurulaah… Eebbow  ii dembi dhaaf. Ilaahay waxba kuma aha, inuu roob xoog badan soo di’iyo! Roob dabka iga bakhtiiya, imtixaanka iyo dhibta i haysoo dhanna tahliil u noqda oo takhaatiirtana daadka raaciya…. Aamiin

Maqaalku waa saxansaxadii ka soo horreysay  roobka inoo di’i doona … Eebbe idankiis.

Aamiin Allahayow!

———

In ka badan afartameeyo sano, baa waxaa Soomaaliya ka socday dhibaatooyin isugu jiray dulmi, xaqdarro iyo caddaalad la’aan. Dhawr jeer baa laysku deyey shirar dib u heshiisiineed, waxna kama soo bixin. Shirarka noocaas ahi, waxaa la qaban karaa oo keliya, markay jirto dowlad dhab ahoo, xoog leh oo dalkoo dhan ka wada talisa. Waa adag tahay in qof dembiile ah oo aan Ilaah iyo amar dawlo toona ka baqayn, inuu kuu yimaado oo ku yiraahdo “ Walaalow ama adeerow, ma gafe waa Ilaahe, dembi baan kaa galaye i cafi ama i xukun… Islaantii ayeydaa ahayd ee indhaha la’ayd, anigaa, anoo marqaansan  bohol ku tuuray oo sabab u ahaa geerideeda e!!!”

Markii Soomaalidu kala furfurantay oo qof waliba hoosta ka galay degaanka rooxaantiisa (qabiilkiisa); markii dawladihii la rabay inay Soomaalida dib isugu xirxiraan, laftigoodii lugu dhisay nidaamka Rooxaanta ee 4.5 (alyacni nidaam ku salaysan awooweyaasha iyo ayeeyooyinka lugu abtirsado), waxaa laga badin kari waayay sidatan: “Ma garnaqsan karno, mana heshiin karnee, aynu kala joogno oo Federaal-Rooxaani ahaanno”. Hadday sidaas kusii socotana, waxaa hubaal ah in la gaari doono, iyadoo la leehayay “Dalalka Soomaalida”, sida aan maanta u maqalno “Dalalka Carabta”.

Soomaalidu waa ummad isku isir ah oo wadaagta taariikh, dhaqan, hidde, af iyo diin ba. Waa dhab inay Soomaalidu usoo halgameen gobanimadooda. Waxaa kaloo iyana dhab ah in nidaamka dowliga ah iyo dastuurka ay qarankooda ku maamuli lahaayeenba dibedda looga keenay. Qaran ummaddiisaa dhisata. Soomaalida ayay tahay inay qarankooda dhistaan. Soomaaliya waxaa lugu matali karaa  jir bani aadan (human body) oo kale. Jirku wuxuu ku shaqeeyaa habdhiska dhexe ee dareenwadayaasha  - Central nervous system. Haddaba, macquul ma tahay in jir bani aadan uu ku shaqeeyo habdhiska federaalka ee dareenwadayaasha – FEDERAL NERVOUS SYSTEM !!!???

Horta ma aqoon darraa na haysa mise waa nala dagay mise maskax faluuq baynu qabnaa?

Labada hore u badi!

**********

Anigoo ay iga buuxaan ciil iyo caro, qarkana u saaran quus, ayaan waxaan halkaan kusoo gudbinayaa aragtidayda, halka ay tahay inaan ka bilawno badbaadinta dalkeena iyo dadkeena, taasoo ah in marka hore, intaan dawlad-dhisba warkeed lasoo qaadin, la dhiso Guriga Qaranka Soomaaliya.

Waxaan marka hore la hadlayaa ragga Soomaaliyeed ee konton jirku ugu yar yahay, marka xigana ragga wadaaddada ah. Soomaalidu waxay tiraahdaa, ‘Arrintii rag u dhaqaaqo, rabbina aqbalo, waa rumowdaa’. Haddaba, waxaan u baahan nahay:

  • Rag Alla-ka-cabsigu ku weyn yahay oo aqoon Diin iyo Maaddiba leh
  • Rag diyaar u ah inay taariikhda ku galaan QARAN-DHISAYAASHII Soomaaliya
  • Rag aan dalka iyo dadkaba dembi kasoo gelin
  • Rag aan ahayn wakiillada iyo afhayeenada Rooxaanta (tus. Isimada, nabadoonnada, iwm)
  • Rag diyaar u ah inay noqdaan tiirarkii iyo aasaaskii qaranka.
  • Rag aan ku hamminayn in xil loo dhiibo ama ay madax noqdaan
  • Rag diyaar u ah inaysan ka muuqan masraxyada siyaasadda iyo dhaqaalaha ee dalka
  • Rag fahansan macnaha qaranimo iyo Soomaalinimo
  • Rag aaminsan in Soomaaliya ay degdeg uga gudubto habka Rooxaanta(qabiilka), una gudubto habka gobollada
  • Rag aaminsan ‘waarimayside war hakaa haro‘

Waxaan aaminsanahay in rag 10ka shardi ka bixi kara, oo iga aqoon iyo waaya-aragnimo badani ay weli joogaan dalka iyo dibeddiisa. Waxay u badan yihiin rag gaabsaday oo xishood, qaadanwaa iyo amakaag la aamusay oo dhufaysyo ay samaysteen ku dhex jir jira. Soomaalida waxaa samankaan si aan caadi ahayn u hor boodaya oo weliba kala jiidanaya: Aqoonyahan danayste ah, Wadaadyahan dariiqo ku xiran iyo Indho-adaygyahan Rooxaan qaba.

Kan saddexaad oo aan sahal laysaga dhicin karin baa xaggiisa loo sii wada liicayaa!

Si ay akhriyaha ugu fududaato fahanka macnaha “Guri ama Marjiciyo Qaran“, waxaan adeegsaday tirada gobolladii hore ee siddeeda ahaa (Jubbada Sare, Jubbada Hoose, Banaadir, Hiiraan, Mudug, Bari, Waqooyi Bari iyo Waqooyi Galbeed). Haddii haddaba 8da gobol, midkiiba laga helo rag 50 ah, oo buuxiya tobanka shardi ee aan kor kusoo sheegay, waxaan heleynaa rag tiradoodu tahay 400. Raggaani waxay noqonayaan aasaaska, tiirarka iyo xayndaabka  Guriga Qaranka Soomaaliyeed.

Waa in raadinta raggaas degdeg loogu dhaqaaqo oo meel laysugu keeno. Waa in la helo magaalo ama degmo marti gelisa oo dalka guddihiisa ah. Meeshaas oo taariikhda ku geli doonta “Goobtii ay Qaranimada Soomaaliya ku dhalatay – Birthplace of Somali Nation”.

Waa in afarta boqol, iyagoo keligood ah (Carab & Cajam toona la joogin, la tashan, la xiriirin, gargaarna weydiisan), ay wada fariistaan oo wada hadlaan keddibna ay  soo saaraan  go’aammo dhaxalgal ah oo si cad u qeexaya  Tiirarka uu ku taagan yahay Qaranka Soomaaliya. Keddibna dhaar iyo saxiixyo ku duugaan. Tiirar aan marna liiqliiqan, xaalad kastoo dalku galo (nabad & colaadba).

Tiirarkaas waxaa tusaale ahaan, ka mid ah:- ( Ma dhammaystirna.)

  • Nooca dastuur (aan Shareecada ka hor imaanayn) – Nooca nidaam-dowladeed (aan Rooxaan ku dhisnayn
  • Diinta – Islaam – Sunni – Madhab: Shaafici, Xanbali mise Xanafiga nugu soo socda?
  • Afka – Soomaali
  • Xuquuqda, waajibaadka iyo xorriyadda qofka Soomaliga ah
  • Khayraadka dalka  – National resources – maarayntooda & wadaaggooda –  Birri iyo badba – gobol walba & dalkoo dhan
  • WaxbarashadaManhajka waxbarashada ee qarankanational educational curricula
  • Baahida Bulshada – Nidaamka bulsho-gargaaridda ee qaranka (National social welfare) – inaan qof Soomaali ahi, uusan waayi karin cunno, daawo, dhar, hoy, waxbarasho iyo nabadgelyo
  • Shaqada – Inta la heli karo Soomaali leh shaqo aqoonteed iyo waaya-aragnimadeed, inaan ajnabi(carab &cajam) loo oggolaan karin – Nin shaqayn kara oo aan shaqaysanayn, shaah waa ka xaraan.
  • Nooca lacagta dalka – Shilin (Taano – kumi – Nus-shilin – shilin)
  • Qeexidda macnaha waddani. Soomaalinimadu ma u dhalashaa mise ku dhalasho?
  • Mamnuucidda iyo ka hor tegidda nidaamyada iyo afkaarta ku dhisan Rooxaanta (qabiilka); Quursiga; xukun marooqsiga (af gembiyada); keli talisnimada, dagaalada sokeeye, iwm.
  • Nidaamka loo marayo qoridda iyo isku dhafka biliiska caasimadda iyo kuwa ciidamada qalabka sida (military police)
  • Habka qoridda, tababaridda iyo isku dhafka ciidamada qaranka soomaaliyeed (Somali National Army).

Markii Qaranka Soomaaliyeed dhidibada loo aaso, waxaan yeelan doonnaa – Eebbe idankiis -  “MARJICIYO QARAN”. Dowlad kastoo dhalan doonta, waxay noqonaysaa mid ku salaysan oo waafaqsan marjiciyada qaranka Soomaaliyeed.

**********

 Waxaan marka labaad la hadlayaa ragga wadaaddada ah:

Waad og tihiin, inaan kulligeen, haddaan Soomaali nahay, aan Rooxaan wada qabno. Laakiinse isku si nooma wada hayso. Waa la kala daran yahay. 50% waxaa rooxaanta u weheliya aqoon yari; 30% waxaa u weheliya indho-adayg; 15% xasad baa u weheliya; 5% keliya ayay haysaa rooxaan saafi ah (alyacni – nadiif  ka ah xasad, indho-adayg iyo jahli). Waxaad mooddaa in wacdigii, waanadii iyo ducooyinkii aad labaatan sano ka badan nugu waddeen, inay dhinac naga mareen! Malaha bisinkaan loo qaban!

Kaftan dhable u badi!

Soomaalidu waa ku dhibban tahay dalka iyo dibeddiisa. Dalkii waxaa ka socda arrimo ku salaysan Rooxaan, isgaalaysiin iyo isqarxin. Waxaa kaloo ka jira, nidaam la’aan, faqri & gaajo, daawo la’aan, nabadgelyo la’aan, waxbarasho la’aan, iwm. Maalin walba dad u badan carruur, dhallinyaro iyo haween baa kasoo qaxaya, oo badankood noqdaan:

  • Kuwo ku le’da ama lugu kufsado ama lugu haysto Lamadegaanka Saxaaraha
  • Kuwa ku le’da badda cas ama lugu faraxumeeyo xeryaha qaxootiga ee Yemen
  • Kuwo sida ugaarta loogu laayo Koofur Afrika
  • Kuwo laga buuxsho xabsiyada Liibiya, oo qaarkood lugu kufsado
  • Kuwo, markay Sucuudiga miciin bideen oo galeen, noqday kuwo xabsiyada laga buuxshay, jirdil iyo faraxumayn loo gaystay, keddibna lasoo TARXIILAY!!!
  • Kuwo markay Liibiya kasoo badbaadeen, ku le’day badda
  • Kuwo markay Yurub soo galeen jahwareer ku dhacay oo qaarkood CIIL & CARO dartood BUUFIS ugu dhacay ama BEERTA galay

Qolooyinka qurbaha ku nool markaad eegtid. Waxaa haysta arrimo ka daran Rooxaanta. Dhaqanrog (acculturation) iyo dhalanrog (assimilation) aan waxba laga qaban karin baa ku socda carruurta iyo dhallinyarada Soomaalida. Badankood waxaa ka lumay amaba kasii lumaya afkii Soomaaliga iyo wax kastoo muujin  karay haybta Soomaalinimo (Somali identity). Waxaa qurbaha ku abuurmaya jiil aan aqoon haybtooda. Diintu maahan hayb (identity) ee waa caqiido (faith).

Hooyooyinkii Soomaaliyeed calool xanuun bay guryaha la fadhiyaan, qaar carruurtii baa laga qaatay; qaarna carruurtoodii ay koriyeen baa ka dhaqaaqday! Aabbayaasha waxaa wada haya buufis isugu jira mid qarsoon iyo mid muuqda, murugo, walwal, walbahaar, ciilkaambi, iwm. Waalidiintu waxay u qaybsameen kuwa ka dhaqaajiyay; kuwa is dhiibay, kuwo ku qanacsan,  kuwo weli farganaya iyo kuwo weli khabardaar ah.

Haddaba, waxaan ragga wadaaddada ah ka codsanayaa, runtiina la jeclaan lahaa, inay marka hore, arrinta u dhaxaysa ee ku salaysan Salafiya iyo Suufiya ay ka gudbaan, isuna dulqaataan, iskuna xurmeeyaan siday ajnabigaba ugu xurmeeyaan dariiqooyinkooda iyo madaahibtooda, oo aysan qolaba qolada kale gaalaysiin. Isgaalaysiinta iyo isqarxintu maahan waxyaalo cirka kasoo dhacay amaba ay Rooxaantu shaqo ku leedahay! Waagii hore, qofkii lugu yiraahdo ‘Afariyotobanka  iyo boqolkaan aqaan’, oo yiraahdaa ‘Kaa akhrisan mayo!’, luguma gaalaysiin jirin. Waa lawada garanayay in macnuhu yahay: ‘adiga waxba kaa dhegaysanmayo oo cid ama wadaad kalaan haystaa!’.

Teeda kale, waad og tihiin dagaallo diimeedyadii adduunweynaha ka soo dhacay iyo siday ku wada dambeeyeen. Waxaa jiray dagaal diimeed Yurub ka dhacay oo socday soddomeeyo sano (1618 – 1648). Wuxuu ka bilawday oo is laynayay qolooyin wada Kirishtaan(masiixi) ah oo u kala jabay Katoolik iyo Borotestaan. Maanta magaalooyinka Yurub ayay nabad ku wada nool yihiin oo kaniisadahooduna ugu  wada yaalaan.

Intaas keddib, waxaa ila habboonaan lahayd, aragti ahaanna ay ila tahay, in ragga wadaaddada ahi, keddib markay heshiiyaan, amaba ay isla gartaan inay si ku meel gaar ah u heshiiyaan (inta qaran-dhiska lugu jiro), inay saddex qaybood isu qaybiyaan:

  • Qayb ku biirta ragga noqon doona Tiirarka uu ku taagan yahay Qaranka Soomaaliya
  • Qayb isu diyarisa ka hawlgalka Qaranka Soomaaliya (sida Jaamacadaha, dugsiyada – hoose,dhexe & sare, maxkamadaha, wasaaradda garsoorka iyo awqaafta, masaajidyada, iwm)
  • Qayb soo saarta Fatwada Hijratul Rujuuca, diyaarisa muxaadarooyinka wacyigelinta, oo dejisa qorshaha, waqtiga iyo qaabka lagu badbaadin lahaa qurbajoogta, si markii Qaranku dhismo, Dowlad qarameedna uu yeesho, ay Soomaalidu dalkooda dib ugu soo wada guuraan – Alyacni Hijratul Rujuuc ilaa bilaadul Suumaal (ex Rooxaanland) fil geeska Afrika.

Waxaan waxgaradka Soomaaliyeed ka codsanayaa in mid walba oo maqaalka wada akhriya oo fahma,  uu u gudbiyo ugu yaraan 10 kaloo waxgarad ah – si fikirka iyo himiladu aysan nooga dhiman.  Waa hubaal in arrintaani ay durba yeelan doonto cadow fara badan oo isugu jira sokeeye & shisheeye.

Soomaaliyey fadhi inooma yaal. Waa inaan rooxaanta sida shaydaanka isaga naarno, oo aan isu geyno aqoonteena, garaadkeena, caqligeena, damiirkeena, garashadeena, kaskeena, xiskeena, maankeena iyo muruqeena, cududdeena, awooddeena, kartideena, firfircoonideena, oo ducooyinkeenuna aysan noqon kuwa la yiri ‘lama aqbalo (tus. Illaahow guursan mayee owlaad isii!!!)’. Markaas in ka yar toban sano ayaan ku noqon doonnaa Malaysiya(da), Singapore(ta) amaba Switzerland(ka) Afrika… Ilaahay idankiis.

Aamiin yaa Rabbi

Xaashi Yaasiin Cismaan
hashiyosman@hotmail.com
Switzerland
21. December 2013

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »

Comments

  1. awaale says

    markii aan si xiisa leh u akhriyey waa hubaal inaad waalantahay waxaan ula jeedaa hadiiqof miyir qaba la geeyo xero dad waalan ka buuxaan, qofkaasu isagaa waalan saw maaha? waxaan ula jeedaa fikirkaagu waa saliim laakiin soomaalidu hadda waa wada waalanyihiin waxaa laga yaabaa in aan gaaro 30 sano kadib meesha aad maanta marayso , marka walaal xaash waxa kaliya oon ku oran karaa , iska soo qaad ninkii yiri umad wada waalan baan wax wanaagsan u sheegin

  2. Yousuf says

    Appreciation and I’m fully supported. My heart feeling, I believe we can build very healthy Somali Nation following with these pillars described by the writer in this magazine. I’m one of people who is giving full financial and technical support to work on this idea according to my capacity at all levels.

    Many thanks

  3. Abbé sheik says

    Waa fikir aad u wanaagsan qaylo dhaanta hala badiyo yaana laquusan. Qormadan. Xaashi waa in an la aqrin oo laga gudbin ee wax laiska weydiiyaa

  4. says

    Asc wr wb salaan kadib runtii fikirkaa adbaan ula dhacay waxaana ideeqay Macnaha iyo mirtida uu xambaarsanyahay ilaahay waxaan kabaryayaa in uu na waafajiyo haduusan ahayn mid dhib noo horseedaya aamiin aamiin. Waa c.wali m. Faarax

  5. Yusuf ahmed says

    Maanaa allaah hadii akhlaaqdeena wanaajino sabirkeenana badino qaluubteenana si daacadnimo leh isugu furno arintan wey galeysaa xaashi yasin soo jeediyey wa bilaahi towfiiq