Xiriirka ka dhexeeya wax akhriska iyo Aqoonta

Qore: C/risaq Maxamed Xuseen ( Ina xuseen dheere)

Qore: C/risaq Maxamed Xuseen ( Ina xuseen dheere)


Diinta islaamku waxaa ay muhiimad weyn siisaa aqoonta iyo kasbashadeeda. Aayadii ugu horeysey ee quraanka kariimka, waxaa ay ahayd mid rasuulkeena (NNKH) lagu amray inuu wax akhriyo. Ilaahay subxaanu watacaalaa waxaa uu yiri. “ akhri” adigoo kaashanaaya magaca rabbigga ku abuuray. ( suurada Iqra , aayada 1.aad). Suuradaan waxaa kaloo uu ilaahay ku magacaabay oo ku xusay mid ka mid ah aaladaha loo adeegsado aqoonta iyo tacliinta kaas oo ah “ Qalinka”. Ilaahay waxaa kale oo Rasuulka (NNKH) ku amray inuu rabbiggiisa ka baryo in aqoontiisu kor u kacdo.Raadinta aqoontu waa waajib, waana qodob meel sare kaga xusan diinta islaamka.Horumarka wadan iyo ilbaxnimada aadamiga waxaa ay ku xiran yihiin hadba awooda ay dadku u leeyihiin iney wax akhriyaan. Sidaas darteed waxaa jira xiriir weyn oo ka dhexeeya akhriska, kasbashada aqoonta iyo kobcitaanka maskaxda iyo maanka.

Maskaxda iyo fekerka

Maanka qofku waa sida muruqaha oo kale, waxaana uu u baahan yahay tababar joogto ah. Qofku kolka uu doonaayo in murqihiisa caadiga ahi dhismaan, waxaa uu layliyaa ama tababaraa jirkiisa. Jirka ayaa la siiyaa tababar joogto ah si murquhu u dhismaan, si fiicna ugu shaqeeyaan. Layliga murquhu waxaa kale oo uu keenaa iney murqaha u sahlanaato qaadashada hawada ogsijiinta iyo weliba wereega dhiiga oo hagaaga. Haddii laba qof tartamaan waxaa markiiba badinaaya qofka jirkiisu qaadan jirey tababar joogto ah maxaa yeelay qofkaas xubnihiisa jirka ayaa ah kuwo horay loo diyaariyey oo ka bixi kara cadaadiska la saaray. Balse qofka aan tababarka qabin waxaa uu noqonayaa mid markiiba si sahlan u daala, sababtuna waxaa weeye dhamaan xubnaha iyo unugyada jirka ayaan ahayn kuwo diyaar u ah iney tartan galaan oo cadaadis la saaro. Halkaas waxaa ka cad in jirku u baahan yahay tababar joogto ah si uu si wanaagsan ugu shaqeeyo. Arinktaasi waa midda keenta in dad badani si joogto ah u tagaan meelaha lagu tababarto ee jirka lagu dhiso. Haddaba si la mid ah sida jirku ugu baahan yahay tababar ayaa maskaxda iyo maanka qofkuna ugu baahan yahay carbin iyo tababar joogto ah. Tababarka maanka iyo maskaxdu waa wax akhriska, taas oo loola jeedo in qofku caadeysto inuu si joogto ah wax u akhriyo.


Waxyaalaha laga dhaxlo akhriska

Maskaxda iyo unugyada qaabilsan fekerka oo horukac sameeya.Qofka wax akhriyaa waxaa uu si joogto ah u helaa fikrado kala duwan oo u horseedi kara horumar. Qofka wax akhriyaa waa mid si deg deg ah u jihayn kara fekerkiisa haddii ay soo wajahdo arrin deg deg ah oo aanu horay ugu tashan. Tusaale ahaan haddii ay doodi dhexmarto laba qof oo midkood yahay qof akhris badan midna aanu waxba akhrin, waxaa dhacaysa in qofka akhriska u saaxiibka ahi si sahlan uu horumar uga sameeyo dhinacii dooda.Sababtuna waxaa weeye qofka akhriska badani waa qof leh tababar dheeraad ah oo dhinaca maskaxda iyo maanka ah.

Ogaanshaha wax cusub: Dunida aynu ku dhaqanahay ma aha mid taagan balse waa mid mar walba uu ku yimaado isbedel. Waxyaalo horay u jirey ayaa dunida ka dhamaanaaya, waxaana soo kordhaaya waxyaalo cusub oo aan horay loo aqoon. Sidaas darteed akhriska badani waxaa uu kuu fududeynayaa inaad wax badan duniga ka ogaatid dunida kugu wareegsan.
Helitaanka khibrada dadka kale: Waxaa jira dad badan oo dunida ka tegey balse qoray waxyaalo badan sida buugaag, wargeysyo iyo waxyaalo kale oo badan. Ma heli kartid khibrada ama waaya-aragnimada dadkaas kol haddii aadan ahayn mid wax akhriya. Waxyaalaha ay qoreen dadkaas aan maanta dunida ku nooleyn waxaa ay kugu dhalin karaan fikir kaa maqnaa, waxaa kaloo ay kugu caawin karaan inaad ka leexato qaladaadkii ay dadkaasi horay u sameeyeen. Waxaad kaloo ka dhaxli kartaa inaad kaga dayato waxyaalihii fiicnaa ee ay dadkaasi horay u sameeyeen. Waxaa kaloo jira dad nool oo wax qoray balse aaney suurtogal kuu ahayn inaad la kulanto. Haddaba akhriska iyo baadigoobka aqoonta ayaa kuu sahlaaya inaad ka bogato waxyaalaha muhiimka ah ee dadkaasi qoreen.

Gebagebo

Ummadaha lagu tilmaamo ilbaxnimada waa kuwa ay dadkoodu wax akhriyaan. Waxyaalaha ay wadamada horay u maray geliyaan lacagta badan waxaa ugu horeeya arimaha waxbarashada iyo barashada akhriska. Macalimiinta ugu khibrada badan dugsiyada wax laga barto waxaa lagu jiheeyaa oo ay akhriska baraan dhalaanka soo kacaaya. Wadanka Sweden waxaa uu mid yahay wadamada horumrka ka gaaray dhinaca dhaqaalaha iyo wershedaha. Dalka sweden ma laha kheyraad dabiici ah sida basiinka , dahamka, macdanta iwm, balse waxaa uu horumarka dalka saldhig u ah tacliinta iyo dadka oo la baray akhris, laguna barbaariyey raadinta aqoonta. Waxaa dadka reer sweden yiraahdaan tiirarka aqoonta iyo ilbaxnimadu waa awooda ay dadku u leeyhihiin iney si wanaagsan wax u akhriyaan. Haddaba waxaa muhiim ah inaan akhriska ka dhigano dhaqan joogto ah. Waxaa kaloo muhiim ah inaan isku dhiirigelino inaan wax akhrino si aan waxyaalo badan u ogaano. Waxaa lagama maarmaan ah inaan joogto ka dhigano booqashada meelaha wax lagu akhriyo sida maktabadaha buugaagta. Waxaa kaloo haboon inaan aalada casriga ah ee Internetka u isticmaalo ugana faa`iideysano dhinaca akhriska. Waalidiinta waxaa laga doonayaa iney caruurtooda inta ay yar-yar yihiin ku barbaariyaan dhaqanka wax akhriska iyo raadinta aqoonta. Gabayaa soomaaliyeed ayaa isagoo akhriska iyo aqoonra ka hadlaaya yidhi:

Teknoolojiyada aad aragtay ee lagu taxaashaayo- taleefoonka ,taarkiyo weliba Tv-ga
Waxa aalad lagu tababartoo nolosha taabaaya- aqoonyahan tijaabiyey oo tiigsadee helaye
Tacliin hadii aaney jirin tacadi sow maaha.

Qore: C/risaq Maxamed Xuseen ( Ina xuseen dheere)
Master degree in economics
Eskilstuna, sweden
habdirisak@hotmail.com

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »

Comments

  1. Meygaag says

    C\risaaq waa sax arinta aad ka hadashay. Waana sida aad u tilmaamtay. Shidada jidha ee dadka af-somaaliga ku hadla hortaagan ayaa waxaa ay tahay; waxaa aad u yar wax nuxur leh oo af-Soomaali ku qoran oo la akhiransan karo ayaa aad u yar.

    Wax Soomaalidu qoraan waxay u badan yahiin wax aan cilmi wax kuu kordhinay aheyn. Sida Gabay oday reer miyi ahi inta caano geel ka dhargay tiriyey qarni tagay ama haweeneey nin caashaqday – hade waxa oo miiran ayaa meelaha yaalyaale maxaad akhriyi?