Asalaka Soomaalidu Halkee Ka Soo Jeedaa? [Maqaal]

Qoraa: Cabdirisaaq Baraag

Qoraa: Cabdirisaaq Baraag

Hordhac

Xaggee Soomaalidu asal ahaan ka soo jeedaa?

Inkasta oon la isku raacsananeyn meesha asal ahaan Soomaalidu ka soo jeeddo, haddana, waxaa la filayaa in haddii dhawr arrimood la raad raaco macquul tahay in la helo meesha Soomaalidu asal ahaan ka soo jeeddo, la isku na raaco.

Raadka 1aad:

Marka aad dhab u eegto raadadkii hore ee dadyawgii Geeska Afrika dagi jiray, waxaad ogaaneysaa in Soomaalidu fac weyn tahay oo aanay dhawaan Geeska soo dagin sida ay qabaan dadka Soomaalida ku sheega in ay Carab yihiin.

Tusaale ahaan, Masjiid ku yaal magaalada Saylac ee gobolka Awdal,Somaliland waxa uu leeyahay labo qiblo kuwaas oo midi u jeeddo dhanka Masjidu Aqsa midda kale na dhanka Xaramka Mekka u jeeddo. Taasi waxa ay caddeyneysaa in masaajid kaas inta aanay diinta islaamku qiblada badalin lagu cibaadaysan jiray.

Tusaale kale waxa uu sheegayaa in ay Soomaalidu qowmiyadda Cafarta oo ka mid ah kuwa ugu faca weyn qawmiyadaha ku midoobay Ethiopia u taqaanay “Oday Cali”.  Halkaas waxaa laga soo dhalaalin karaa in Soomaalida oo iyana ah hal qowmiyad, lehna hal af iyo hal diin, ay ka mid ahaan jireen qowmiyadaha daga Geeska Afrika muddo dheer. Taas micnaheedu waa in aanay dhawaan Geeska soo dagin.

Waxaa kale oo iyana arintaan taageeraysa sheeko oranaysa, “Oromada oo iyana ka mid ah qowmiyadaha faca weyn ee ku midoobay Ethiopia waxaa ka mid ah waxyaabaha ay Soomaalida isaga egyihiin qaabka tirsiga ama habka wax loo tiriyo iyagoo isticmaala xarafka “m” marka ay xirayaan tirooyinka waaweyn sida “50=kontom” ama “40=afartam” meesha Soomaalidu isticmaasho xarafka “n” maadaama aanay erayada Soomaliga ah badan koodu ku dhamaan “m”. Soomaalidu waxa ay dhahaan “50=konton” ama “40=afartan”. Taasina waxa ay caddaynaysaa in xiriir dhaw oo dhanka luuqadaha iyo taariikhda ah ka dhexeeyo qowmiyadihii Geeska dagi jiray.

Raadka 2aad:

In badan oo Soomaalida ka mid ahi haddii la weydiiyo Sinjigooda ama meesha ay ka soo jeedaan, waxa ay iyagoon wax badan isku hawlin ku jawaabaan “waxa aan ka soo jeed naa Carab”. Waxa ay markaa daliishadaan magacyada abtirkoodu ku dhamaado sida Daarood Ismaaciil, Sheekh Isaxaaq Jabarti, Sheekh Samaroon, iwm. Waa magacyo Carbeed, ama waxaa la socda magaca Sheekh oo asal ahaan Carabi ka yimid. Walow la beenin karo ama la burin karo arintaan, haddana maxaa lagu difaaci karaa xaqiiqada ah in aan Soomaalidu Carab ka soo jeedin? Sikastoy ahaataba, waxaa jirta sheeko oranaysa sida soo socota.

Waxaa Geeska Afrika dhanka xeebaha ka soo galay Culimo iyo Ganacsato Carbeed qarnigii 6aad ilaa qarnigii 7aad kuwaas oo diinta islaamka fidinayey. Culimadii waxa ay isu qaybiyeen dhawr qaybood iyadoo loo kala diray qabaa’ilka Soomaaliyeed. Qabiil kaste na waxaa loo diray Sheekh weyn oo caalim ah iyo xer uu wato. Culimadii si diiran ayay Soomaalidu u soo dhaweeyeen wax na uga barteen.

Waxaa ilaa maanta jirta in Soomaalidu dhaqan ahaan Sheekha diinta bara “Aabbe” yiraahdaan iyagoo culimada ixtiraam badan u haya. Sidaas darteed, Soomaalida intii isku sheekh ahayd ba isku awoowe ayay noqdeen, iyaga oo sheekhoodii ay aabbe ku ixtiraameen ku abtirsaday.

Raadka 3aad:

 Waxaa jirta in ay meesha Soomaalidu ka soo jeeddo ama asalkooda ay yaqaanaan oo kali ah dadka loo yaqaan Madhibaan, Midgo ama Gabooyo . Midguhu waxaa la aaminsanyahay in ay arintan u qarinayaan in qabiilada kale ee Soomaaliyeed ay u siyaadiso tookh iyo faan; iyana ay ka faa’iidaan quursi iyo xaqiraad la mid ah midda ay maanta ku nool yihiin oo kali ah. Waxaa kale oo suurto gal ah in ay dhammaadeen dadkii xogtaas hayey mar hore ba. Sheekadaan waxa ay oranaysaa sidaan.

Midguhu waxa ay ahaan jireen boqortooyo xoog badan oo Geeska Africa dadka ku cadaadin jirtay. Waxaa la filayaa in boqortooyadu colaaddii badneyd ee ay dadka ka kasbatay awgeed qabaa’iladii kala duwanaa ee Geesku isu kaashadeed, ku kaceen, la dagaalameen, deena dumiyeen. Boqortooyadii Midgaha oo waagaas la oranjiray “Gabooyo” waxa ay qabaa’iladii ka adkaaday ula dhaqmeen si aan wanaagsaneyn iyagoo adoonsaday dadkii dagaalka lagu soo qabsaday oo laga adkaaday. Raggoodii nolasha lagu qabtay waxaa laga dhigtay addoomo dadka xoolaha u raaca ama u sureeya. Dumarkoodii na waa la adoonsaday waxaa na shaqo looga dhigay in ay dumarka gobta u adeegaan, u mireeyaan ama u xabkeeyaan.

In ay Midguhu boqortooyo ahaan jireen waxaa loo daliishan karaa sida Midguhu dagaalka ugu hoodo iyo qadan leeyihiin ama ugu dhiiranyihiin. Murtidani waxa ay tusaaleynaysaa sida Gamuute ay afar midgaan u anfaceen maalin reer kiisa iyo reer kale geel kala qaadeen ama kala dhaceen. Afarta midgaan ayuu aad ula dhacay sida geesinimada iyo xeeladda leh ee ay u dagaalameen. Waxuu yiri:

Midgaan eed oran mayo,
Annagoo arbaciinoo,
Reer maalin ku duulay,
Kur Agool la yiraahdo,
Markii waagu iftiimay,
Ilin Geel ah ka qaadanay,
Oo kumanyaal isir-dheeriyo,
Isku meershay Dhoobir,
Isu kaaya cesheenoo,
Edeg baas ku jirna,

Afartii nala joogtay,
Siday noo anfaceen,
Allahii na abuurtiyo,
Anun baa wax ogaayoo,
Midgaan eed oran mayo!
– Cabdulle Cali Gamuute

Waxaa kale oo la aamin sanyahay in midguhu yaqaanaan in ay yihiin reer la kala qaybiyay ama la kala geeyay, hase ahaatee, isku asal iyo oday ah sida uu ku doodayo Boobe Cabsiiye  nin la oran jiray oo waayo hore noolaa. Inkaste oo Boobe laftiisu taariikhda baarayo haddana waxuu aaminsanyahay in ay midguhu mar uun isu soo laabtaan oo walaaloobaan, xaqiraadda na ka baxaan. Waxuu yiri:

Jeeraan Tumaal iyo Midgaan tuur isugu keeno,
Ama aan Yibraha taar u diro togoga meeraaya,
Jeeray iskuulada tagaan tobon kun oo wiil ah,
Talaamiidda jeeraan ka baxo taabka igu haysa,
Taariikhda jeeraan hubsado nalaku taandheeyay,
Tirinmaayo maansooyinkaad igu tuhmaysaane,
Tiiraanyadayda aan isaga jiree hay takliifina.
-Boobe Cabsiiye

Caddaymaha, sheekooyinka iyo suugaanta aan soo xushay oo dhami waxa ay daliil u yihiin in aanay Soomaalidu, haba yaraatee, ka soo jeedin Carab gabi ahaan ba; arintaas oo Soomaali badani aaminsantahay. Dadka sidaas qaba waxaa aalaa u badan dadka ka soo jeeda gobolladii Waqooyi Bari iyo Waqooyi Galbeed la oran jiray ee Soomaaliya -waa Puntland iyo Somaliland.

Waxaa la filayaa in Soomaadu tahay qawmiyad ka mid ah qowmiyadihii faca wrynaa ee dagijiray Geeska Africa. Soomaalidu waxa ay mala ahaan la simantahay qowmiyadaha waweyn ee ku midoobay shucuubta Ethiopia sida qowmiyadda Cafarta iyo Oromada. Waxaa taas barbar socota in luuqadeena hooyo ee Af-Soomaaliga oo kali ahi aanay eerayo Carabi ah ku soo dirriyin ama ku jirin ee qowmiyadaha Cafarta iyo Oromada labada ba laga helayo erayo badan oo Cariba ah.

Waxaa iyana caddaan ah in Soomaalida iyo Carabtuba is-dhex-gal guur lahaayeen sida qowmiyadaha aan soo xusay oo kale. In badan oo qabaa’isha Soomaalida ka mid ah waxaa iska dhalay Carabtii culumanimada iyo ganacsiga Geeska ku yimid iyo Soomaalidii horay Geeska u daganayd.

Fiiro Gaara: Midgaan, madhibaan, boon iwm u la ma jeedo erayo cay ah ee magacyo ahaan ayay meesha ugu jiraan. Qofka aan fikirkaan ila qabin waxa uu eegi karaa mareegta midgaan.com.

Waxaa Qoray:
Cabdirisaaq Baraag
E:mail- ibnbaraag@hotmail.com

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »

Comments