HESHIISIINTA LABADA SHIBBANE EE ‘Dh & R’

Qoraaga : Cabdirisaaq Baraag

Qoraaga : Cabdirisaaq Baraag

Hordhac

 Qormadani waxay daba socotaa kana dhalatay qormo hore oo uu qoray Cabdiraxmaan Faarax ‘Barwaaqo’. Qormadiisa Cabdiraxmaan waxa uu cinwaan uga dhigay ‘Xeerarka Fagaasa Labada Shibbane ee ‘Dh’-a iyo ‘R’-a’. Waxaa Janaayo 28, 2013 lagu soo daabacay shabakadda WardheerNews.com.1

Qormadiisa Cabdiraxmaan waxa uu ku muujiyey in aanay suurto gal ahayn in magaca ‘gabar’ la isticmaalo iyada oo la heli karo ‘gabadh’. Taas micnaheedu waa in aanay ‘gabar’ Soomaali ahayn ee ay tahay in magacii ‘gabadh’ lagu xad gudbay oo meeshii ‘dh’-da ‘r’-a lagu bedelay. Waxaa kale ee uu xusay in ay fikirkiisa la qabaan ayna la dhacsanyihiin dad kale oo ay ka mid yihiin kuwo caan ah, sida: AUN2 Macallin Max’ed Xaashi Dhamac ‘Gaarriye’3 iyo Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal4.

Cidda akhrida qormada hore waxa ay si fudud u fahmi kartaa meesha sartu ka qurun santahay. Qoraaga qormadu isagaa qiray in luuqadaha adduunka qaarkood ay ku jiraan erayo wadartooda iyo kalidoodu aad u kala duwan yihiin. Waxa uu tusaale ka soo qaatay luuqadda xiriirka laatiinnimo la leh Soomaaliga ee Ingiriiska. Waxa uu yiri micne u dhaw, ‘haddii ‘girl’ wadarteedu tahay ‘girls’, ‘woman’  wadarteedu waa ‘women’ ee ma aha ‘womans’’. Taasi waa sax, waana tusaalehaan soo qaadan lahaa oo iga boobay.

Haddaba, aan soo qaato labada eray ee uu is barbar dhigay si uu u muujiyo guusha dhawaaqa ‘dh’ taagan tahay iyo gabaahirigta ‘r’ dhex dabaalanayso. Aniga oo qaba dood taas ka duwan, haddana waan qirayaa in ay tahay dedaal uu Cabdiraxmaan la yimid kuna mahadsanyahay in uu soo bandhigo sida ay isaga la tahay. Waxaan se leeyahay, ‘Aa la tahay’. 5

 Gabar Mise Gabadh?

Waxaa jira dad badan oo qaba in aanay habboonayn in labada dhawaaq ee ‘dh’ iyo ‘r’ ay tartamaan. Malahayga na, taasi waa midda sababtay in qormadan iyo tan ay daba socotaba xoogga saaraan labadan dhawaaq. Dadka kala jeclaysta ‘dh’-da iyo ‘r’-da sida Cabdiraxmaan oo kale, waxa ay badanaa is weydiiyaan midka saxan in la isticmaalo ‘dh’ ama ‘r’ marka laga hadlayo labada magac ee ‘gabar’ iyo ‘gabadh’. Si ay su’aashaas uga jawaabaan na waxaa kale oo ay is weydiiyaan sida wadar looga dhigayo magaca guud ee ‘gabar’ haddii uu ba sax yahay. Ma waxa uu noqonayaa ‘gabro’?

Anigu waxaan qabaa dood taas ka duwan. Dadka i weydiiyay bal sida wadar looga dhigayo magaca ‘gabar’, waxa aan iyana su’aalayaa bal sida kali looga dhigayo magaca ‘hablo’. Ma waxaa la oranayaa ‘habal’?

Haddaba, ‘gabdho’ ma’aha wadarta ‘gabar’ ee waa wadarta magaca ‘gabadh’. Waxaa na taas u cuskanayaa haddiiba uu Soomaaliga ku jiri karo eray aan kali lahayn sida ‘hablo’, maxaa Soomaaliga u diidaya ‘gabar’ in ay ku jirto iyadoon wadar lahayn?

Erayga ‘gabar’ ma laha wadar haddii la doono. Marka la doonayo in laga hadlo ama la qoro gabar waxii ka badan, waxaa la isticmaali karaa ‘hablo, gabdho iwm’. Waxaan kaloon heli karraa in aan heshiisiino ama isu guurino labada magac ee aan midina wadarta lahayn, midina kalida lahayn ee ‘gabar & hablo’ siday u kala horreeyaan. Waxa aynu oran karraa wadarta magaca ‘gabar’ waa ‘hablo’. In badan oo dooddayda ah waxa aan ku weelayn karaa shaxda hoose. Aan se marka hore xuso in ay jiraan magacyo Soomaali ah oo ay iyana kala duwan yihiin kalidooda iyo wadartoodu, sida: ‘rati’ oo wadartiisu noqonayso ‘awr’.

 

Magac Wadar Tusaale
Gabar Hablo Gabar yar baa saaka iga raacday hablo Nagaardaale caws u doontay.
Gabadh Gabdho Gabdho saaka caws doontay gabadh baa ka hartay.
Lax Ido Lax baa weer ka cunay ido shalay lumay.

 

Waxaan kaloo dooddayda ku bojinayaa in ay Soomaaliga ka buuxaan erayo aan wadar ama kali lahayn, sida: xoogaa, ninna, cidna iwm. Bal adigu sheeg sida kali looga dhigayo magaca hoosta ka xariiqan ee ku jira weedha soo socota. ‘Heblaayo waxaa ka maqan xoogaa ari ah’. Waa su’aale ma waxaa la oranayaa ‘Ri mise Lax’ baa ka maqan’? Maya.Ri’ wadarteedu waa ‘Riyo’ ‘lax’-na wadarteedu waa ‘Ido’.

‘Dh’-da iyo ‘R’-du waxay ka mid yihiin dhawaaqyada is bedbadala marka la joogo gobollada qaarkood (eeg hordhaca ‘Qaamuuska Af-Soomaaliga’ ee uu qoray AUN Yaasiin Cusmaan Keenadiid 1976), sida:

®   R –(r/dh): ‘Soo fadhiiso = soo fariiso (Gobollada Waqooyi Bari)’.

®   Dh –(dh/r): ‘Soo gaartay = soo gaadhay (Gobollada Waqooyi)’.

Dhawaaqyada kale ee is badbadala marka gobollada dalka la tix galiyo waxaa ka mid ah, ‘kh & q’ (dhakhso = dhaqso), ‘m & n’ (bambe = banbe) iwm.

——————————————————————————–

1Link: http://www.wardheernews.com/xeerarka-fagaasa-labada-shibbane-ee-dh-a-iyo-r-a/

2AUN = Allaha U Naxariistee

3Macallinkaygii Suugaanta Jaamacadda Camuud 2008-09

4Guddoomiyiihii Guddigii 1aad ee qoridda Far Soomaaliga 1960

5‘Aa la tahay’ = waa weedh Reer Barigu (Reer Boosaaso) isticmaalo oo u laabanaysa barigii gumaysiga. Markii gumaystuhu yiri, ‘dushaan idinka ilaalinaynaa’ waxay dheheen, ‘Boowe aa la tahay’ oo micnaheedu yahay ‘sidaasay isaga ula muuqataa’.

———————————————————————————-

Waxaa Qoray: Cabdirisaaq Baraag

Cilmi Baare Madax Banaan

E-mail: ibnbaraag@hotmail.com

 

 

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »

Comments

  1. sayidka says

    Aad ayaad ugu mahadsantahay dooda wanaagsan ee wax tarka leh waxna soo kordhineysa sida aa tiri ayaan kula qabaa oo ah in aaan ereyada la tuurine ee sidooda loo isticmaalo ama la isku daro waxii isqaadanaa sida aad u tiri gabar iyo hablo way kala socdaane hala is raaciyo iwn…shaqo wanaagsan..