Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Puntland oo Xukuntay Rag Lagu Eedeeyey in ay ka Tirsan Yihiin Al-Shabaab

Gudoomiyaha maxkamada

Gudoomiyaha maxkamada Ciidamada qalabka sida Cabdifataax Xaaji Aadan

Eedaysanayaasha

Eedaysanayaasha

Afarta nin ay maxkamadu xukuntay ayaa maanta oo isniin ah la dhageystay dacwaddaha loo haysto, waxaana lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen falal amni darro oo ka dhacay deegaanada Puntland.

Gudoomiyaha maxkamada Ciidamada qalabka sida Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa gaba gabadii ku dhawaaqay xukunka ay muteysanayaan saddexda eedeysane la horkeenay maxkamada, waxaana lagu kala xukumay;

  1. C/xakiim Cumar Guduudow-  waxaaa lagu xukumay 5-sano oo xarig
  2. C/xakiim Cabdullaahi Xundul-  waxaa lagu xukumay 10-sano oo xarig
  3. C/raxmaan Muuse Cismaan-   waxaa lagu xukumay xabsi daa’in

Maxkamada ayaa dhinaca kale Eedeysane Aweys Buule Saadiq sii deysay kadib markii lagu waayay wax dambi ah ama wixii markii hore lagu soo eedeeyay.

Tani ma ahaan markii u horeysay ragg lala xiriirinaayo kooxda Al-Shabaab lagu xukumo degaanada Puntland.

Waxaa weli Xabsiyada Puntland ku jira dhalinyaro badan oo ku eedaysan falal dil ah in ay ka fuliyeen Puntland iyaga oo amarka ka soo qaatey al-Shabaab, waxaana badankood lagu xukumey dil toogasho ah.

Sanadkii hore waxaa dil qisaas lagu fuliyey 13-dhalinyaro oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanayeen kooxda Al-Shabaab, isla markaana dilal kala duwan ka fuliyeen Puntland. Lix ka mid ah dhalinyarada dilka toogashada ah lagu fuliyey ayaa loo haystey dilkii Marxuum Dr.Axmed Cabdiraxmaan.

Horseed Media

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »

Comments

  1. Shakiib says

    War dadyahoow muuqaalka waa muhiim, it says every about the person, shakhsigan tuutaha qaba oo hadana xiran koofiyad kaweyn loogu tala galay different uniform,Kkkkkkkkkkkkk, waxaan soo xasuustay mooryaan indha cade, billaa calayk ka ceyriya shaqadan madaama uu garan waayey habka loo labisto yaan fursad lasiin doqonkan baratakoolka ku ciyaaaray.