Safarkii Siilaanyo ee Laasqorey, Sanad Kororsi, Shabaab Kobcin iyo Saan-saan Colaadeed.

Laasqoray-siilaanyoMadaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa safar kedis ah, hal mar kaga soo muuqdey magaalada qadiimada ah ee dhacda xeebta Badda Cas ‘Laas-qoray’. Laasqoray waxay ka mid tahay shanta degmo ee Gobolka Sanaag ahaayeen ka hor 1991kii, waxay leedahay taariikh fog, mar waxay ahaan jirtey mid ka mid ah Marsooyinka ugu waaweyn ee wax laga soo dejiyo. Laasqoray waxay lahayd mid kamid ah Wershedihii Kalluunka ee dalka Soomaaliya iska lahaa. Magaaladu waxay cimilada la wadaagtaa magaalooyinka kale ee ku teedsan Badda Cas marka la eego dhanka kuleylaha xilliga xagaaga. Danta iyo mihnadda bulshada ku dhaqan waxay u badan tahayKalluumeysiga iyo xoolaha la dhaqdo.

Kadib markii ay burburtey Dowladdii Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre (AUN), Laasqoray waxay ka mid noqotey magaalooyinka ka fog waddada laamiga ah kuwaas oo aan nasiib badan u helin horumarka ay gaareen magaalooyinka qaarkood, waxaana ay jaal la noqotey Qandala, Caluula, Bandar-Beyla iyo kuwo kale oo mar ahaa magaalooyin loo shaqo tago.

Markii maamulka Puntland dhidibada loo taagey 16sano ka hor, Laasqoray waxay ka mid ahayd magaalooyinkii tiirka Puntland wax ka dhidbey, nasiib darro maamulka Puntland 16 sano ee la soo dhaafey wuxuu caan ku ahaa in aan maamulka la gaarsiin dhamaan gobolada iyo degmooyinka, isla markaana waxa u ahaa maamul saaran Baabuur raaxo loogu talo galay oo aan lagu wadi karin waddo laami ah maahee meel kale, Laasqoray waxay ka mid ahayd mid ka mid ah magaalooyinka Puntland ee aan helin wixii ay mudneyd. Waxaa dhici karta in maamuladii Puntland isaga danbeeyey ay ku doodaan, in wax badan ay u qabteen ama magaca degmadaas lagu qaadey, ma jirto cid ka marag kacaysa, Xildhibaanada ka soo jeedaana ma ahan kuwo booqda oo ka war haya waxa xukuumaddu ka qabanayso deeganadooda kulana xisaabtami kara. Arrinta kale ee Maamauladii Puntland soo marey muddada 16sano ah ay caanka ku ahaayeen waxaa ka mid ah, ka warqabid la’anta xuduudaha ay la wadaagaan maamulada kale, Ciidanka Daraawiishta ama nooc kasta oo ay yihiin waxa uu ku urursanaa gudaha maamulka, taas oo ah mid sahleysa in siyaasadda liddiga ku ah Puntland ay ka fulin karto meelahaas wixii ay doonaan dhuumamsho ama bareer.

Safarkii Laasqoray ee Siilaanyo

Booqashadii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa ahayd midda loogu hadal-haynta badan yahay, Siilaanyo ayaa ka soo galay Lasqoray dhanka Galbeed, waxaana uu ka soo kicitimey Xeebaha Maydh iyo Xiis ee isla gobolka Sanaag, Madaxweynaha waxaa gelbinaayey guuto ka mid ah ciidanka Somaliland. Booqashada Madaxweynaha ayaa qaadatey muddo aad u yar oo maaheyn mid uu salka dhulka dhigey, waxa uu booqdey Xarunta Wersheddii Kalluunka. Madaxweynaha ayaa dhagxaan dhigey mashaariic uu sheegay in uu ka fulinaayo Laas-qoray. Siilaanyo ayey ahayd markii u horeysey ee uu noloshiisa arko Laasoqray, waxa hor boodayey Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Cali Buureed, oo ah nin si weyn looga yaqaan Puntland, mar ahaa Agaasimaha Korontada Bosaso, Agaasimaha Hay’adda tamarta ee Puntland, Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Puntland iyo Wasiiru Dowlaaha Madaxtooyada Puntland.

Waxaa xusid Mudan isla maalintii Siilaanyo tegey Laasqorey ee uu joogey saacado kooban waxaa iyaguna booqdey wefdi  heer wasiir ah oo ka socdey Puntland kuwaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey, taas oo muujineysa macnaha  safarkii Siilaanyo uu huwanaa.

Mac-naha Safarka Siilaanyo

Dad badan ayaa is weydiiyey sababta Siilaanyo u booqdey Laasqoray, maxaa u fududeeyey?. Muxuu Siilaanyo ku doortey Laasqoray oo u tegi waayey magaalada hadda la dhihi karo waa ka weyn tahay kana shacab badan tahay Laasqoray ee Badhan?, Dhahar oo Cali Buureedka wadaa ka soo jeedo muxuu ugu leexan waayey?.

Bulshada ku dhaqan Sanaag ama reer Maakhir waxay ahaayeen kuwo dhanka qaddiyadda Somaliland meel iska dhigey hal aragtina ka qaba iyagu haku kal aragti duwanaadeen wixii taas ka sokeeya, laakiin waxay ahayd mid ay ku caano maaleen muddo dheer, Booqashada kediska ahayd ee Siilaanyo ku tegay Laasqoray ee aanu ku tegin, Badhan, Hadaaftimo iyo Dhahar waxay muujineysaa in Laasqoray dagnaan laga helay booqashaduna ahayd mid gaagaxdey.

Kala qaybinta bulshada Laas-qoray waxay soo bilaamatey dhamaadkii sanadkii 2012, Shirkii Carawayn ee dhamaadey bilowgii sanadkii 2013, waxaa Beesha Adan Siciid ee degta deegaanadaas ay ku dhawaaqeen in ay Puntland isaga baxeen oo ay ka tirsan yihiin Somaliland, tan iyo maalintaas Somaliland waxay ku yeelatey deegaanka Laasqoray galaangal, miraha ka dhasheyna u noqdey Booqashadii kediska ahayd ee Madaxweynaha Somaliland ku tegey halkaas.

Daawo Shirkii Caraweyn

Xiriirka Somaliland iyo Shabaabka Buuraha Golis

Sida la sheego siyaasaddu malahan saaxiib joogto ah, sidoo kale waxaan taariikhda ku baraney in laba dowladood ama maamul oo hal cadow leh, iyaguna aan heshiis ahayn ay isu adeegsadaan cadowgey wadaagaan. Maamulkii Madaxweyne Faroole 2009 -2013 ayaa dagaal ballaran ku qaadey Kooxda al-Shabaab ee ku sugan buuraha Golis, inkasta oo xilligaas ay si weyn ugu awr-kacsanayeen al-Shabaabku in Beel lagu soo duuley, waxaana al-Shabaabku marin habaabiyeen dad badan oo kamid ah beesha degta halka ay xarunta ka dhigteen. Madaxweyne Faroole markii hore waxa uu ku dayey heshiis in uu la galo kadib markii odoyaal dhaqameed ay arntaas ula tageen, laakiin Ururka al-Shabaab ajanadayaashiisaba kuma jirto heshiis ay galaan. Sanadkii 2010 kadib xuskii sanad guuradii Puntland waxaa al-Shabaabka Buuraha Golis lagu qaadey dagaal sida duufaanta oo kale ah kaas oo ciidamada Puntland ay buurtahaas uga baxeen dhanka kale iyaga oo gaarey halka la dhaho Diin Digle waxaana dagaalkaasi ka dhacay ilaa shan goobood oo kala ahaa Dhagax Daabur, Madarshoon, Dhagaxdheer, Karin Xaragood iyo Diin Digle.

Muddo aan badneyn kadib Ururka al-Shabaab dib ayey ugu soo noqdeen Buuraha Golis. Maamulka Puntland ee xilligaas ayaa ku eedeeyey in Somaliland gacan ku siisey al-Shabaab, isla markaana ay ku tageeraan dhankasta sida Saanadda, Isgaarsiinta iyo Sahaydaba. Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole ayaa ku eedeeyey Somaliland in ay gabbaad siiyeen hoggaamiyaashii al-Shabaab ee dhankooda u firxadey, waxaana uu ka codsadey in ay qabtaan oo Puntland u soo gudbiyaan.

Akhri Linkiyada Hoose:

http://som.horseedmedia.net/2010/11/08/wasiir-ka-tirsan-puntlandsomaliland-qayb-ayay-ka-ahayd-dagaalkii-galgala/

http://som.horseedmedia.net/2011/01/01/somalia-puntland-deeply-concerned-somalilands-growing-ties-al-shabaab/

Waxaa isku beegmey arrimo badan oo dadku su’aalo iska weydiinayaan sida dalka Maraykanku waxay liiska dadka la raadinaayo ku dareen Yaasiin Kilwe oo ah horjoogaha al-Shabaabka ku sugan Buuraha Golis, waxaana ay dul dhigeen madixiisa lacag, Maalin kadib taariikhduna ku beegan tahay 16.03.2014 waxaa booqasho kedis ah ku tegey Laasqoray oo kulaasha buuraha Golis Madaxweynaha Somaliland ee horey loogu eedeeyey in maamulkiisu naas-nuujiyo al-Shabaabka Buuraha Golis, Maalin kadib Booqashada Siilaanyo ee Laasqoray, al-Shabaab waxay gaadmo ku dileen Taliyihii ciidanka Daraawiishta aaga Galgala Col. Jaamac Warsame.

Dad badan ayaa aaminsan in booqashada Siilaanyo ee Laasqorey ay ahayd mid uu ku dhiiri gelinaayo al-Shabaabka Buuraha Golis ee horey maamulka Puntland ugu eedeeyey in ay gardaadiyaan isla markaana u adeegsadaan caqabad iyo taako Puntland hortaala, Qaarkamid ah waxgaradka Gobolka Sanaaag ayaa sheegaya in ay arrintu ka weyneyd sahay iyo dhiiri gelin ee ciidamo si gaar ah u tababaran loo gudbiyey buuraha Silsiladda Golis si ay tababaro u siiyaan al-Shabaab isla markaana uga bar-bar dagaalamaan. Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa sanadkii 2010 ku eedeeyey Somaliland in 70 ka mid ah ciidankeedu ay ka barbardagaalamayeen al-Shabaabka Buurha Galgala, markaas Guddoomiyuhu waxa uu ahaa Wasiir

Dhegayso Siciid Xasan Shire oo ka hadlaya in ciidamo Somalilanad ah ka dhinac dagaalameen al-Shabaab 8.11.2010
:

Xaalad Kacsan Abuur si Dabka  Shidani u Demo

13_AUG_2013 copyMadaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo waxaa xilka loo doortey sanadkii 2010, waxaana loo dhaariyey muddo shan sano ah, xilligaas waxaa la sheegaa in cimrigiisa iyo guga uu jir ay ahayd 74sano, qiyaastii maanta waxa uu ku jraa 78 sano, Doorashada Madaxweynaha Somaliland waxaa lagu wadaa in ay dhacdo 2015, waxaana labadii sano ee u danbeysey Siilaanyo ku furnaa mawjado siyaasadeed oo aan kala go’ lahayn waxaa xoogeysaneyey mucaaradka, waxaa lagu baaqey shirweyne Qaran oo Somaliland lagu saxo laguna badbaadiyo, waxaa mucaaradka codka dheeri sheegayaan in dimoqraadiyadii Somaliland ceel ku dhacdey dalkana ay u taliyaan kuwo aan la dooran. Si kasta oo Madaxweynaha Somaliland dhegaha uga fureysto, waxaa hirarkii madoobaa lugaha la galay isla xisbigiisi Kulmiye oo ay adkaatey in la qabto Shir-weynihii Xisbigaas lagu dooran lahaa Musharaxa iyo Golaha Dhexe. Waxaa jirey heshiisyo Madaxweynuhu doonaayo in uu ka baxo sida kii uu la galay Muuse Biixi oo hadda ah guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Waxaana Muuse Biixi caqabad looga dhigey Cabdicasiis Samaale Wasiirka Maaliyadda oo doonaya in uu noqdo Guddoomiyaha Kulmiye iyo musharaxa Mustaqbalka ee Kulmiye.

Madaxweynaha Somaliland oo xulufo gaar ah kala soo dhex baxay Xisbigiisi Kulmiye ayaa wada qorshe doorashada dib loogu dhigaayo isla markaana doorashada Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha laga dhigo sanadka 2016, markaas oo Siilaanyo aanu dooneyn in uu dib isu soo sharaxo, Waxaa qorshahan la wada Saleebaan Gaal Guddoomiyaha Aqalka Guurtida Somaliland oo mar ay siyaasadda col ku ahaayeen mudooyinkii danbase jaal iyo rafiiq dhaw ay wada ahaayeen si fursad ay ugu helaan xerta isaga ku xeeran in ay Kulmiye gacanta ku dhigaan, banaankana loo dhigo Ina Biixi.

Haddaba Siilaanyo iyo xertiisu waxay ciyaarayaan turub horey loo soo ciyaarey oo ah in xaalad abuur la sameeyo isla markaana daan-daansi iyo kil-kilo lagu hayo maamulka Puntland oo isbedelkii Puntland weli la ciir-ciiraya, waana midda keentey in oday Siilaanyo Manqas iyo Jaajuur ama Bulukeeti uu la soo ordo xilli mucaaradku u fadhiyo in doorashada xilligeedi la qabto.

Siilaanyo iyo xertiisa gaarka ah waxay doonayaan, in ay helaan xaalad ay ku aamusin karaan mucaaradka Somaliland ee afka ka xunbeynaya indhuhuna casaadeen, waana midda keentey in la adeegsado siyaasiga siyaasadiisu jihada  aysan lahay ee hoggaamiya xisbiga UCID, kaas oo ku sasey Madaxweynaha Puntland ee xafiiska jooga sadexda bilood oo keliya, waa mid muuqata in Siilaanyo ciyaarayo turub xaalad abuur ah oo mushkiladda mucaaradnimo ee haysatey loogu weecinaayo meel kale.

Maamulka Puntland ee Soomaaliya waxaa la gudboon in aysan ciyaarin siyaasad khammaar ku dhisan, iyo laablakac caadifad huwan, waa in lala yimaado diraasad qoto dheer iyo istraatiijiyad dhab ah, marka la eego muddada ay xafiiska joogeen, iyo siyaasadda xilli kororsiga uu ku raadinaayo Siilaanyo. Dad badan ayaa ku doodaya in jawaabta Puntland ee Laasqoray ay noqoto in Madaxweynaha Puntland uu booqdo Laasqoray maalmona joogo. Dr Gaas waxa uu booqdey meelo badan oo kamid ah Sanaag markii uu ahaa musharaxa, siyaasaddu maaha Saan-saan ku gud ee waa in maamulka la baahiyaa lana daboolaa baahida jirta.

Waa in maamulka Puntland ka dhabeeyaa barnamijkii uu ballan qaadey oo ay u horeyso shirweynihii dib loogu eegayey xaaladda Puntland gaar ahaan kii Gobolada Sool Sanaag iyo Cayn si loo dheeli tiro halka rarku ka dheeliyey. Nina dhul aanu lahayn maanta xoog kuma qaadan karo, ciiddana lama raro, baddaana lama dhuro ee dhul ninkiisi baa iska leh.

Yusuf Sharmaarke
Horseed Media

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »

Comments

  1. Abdi Samad Ahmad says

    Waxay aniga ila tahay hadaynu nahay degaankeenan sanaag bari waa inaynu ka fekaraa mustaqbalka caruurteena iyo horumarka degaankeena, yaynaan idhaha iska tuurin waynu naqaana cida aynu wax wada cun leenahay, iskuna degaan nahay.arinmo dhab ah oo dhici doona ayaa jira, waxan idin leeyahay aduunka aqoon ayaa horumar lagu gadhaa maaha qabiilkay gan jecel ahay . Waxan hadalkayga ku soo gebagebaynayaa waa inaynu iska dhaafnaa godoonkan aynu ku jiray mudada badan oo aynu wax la qayb sanaa dadka wax inaga dhaxeeyaan, waxa fiican inaynu
    xaqiiqda u soo noqono, tariikhdeena iyo magaceenuna u sii jiri lahaa, uguna lahaan lahayn magac wanaagsan dadka aynu isku degaanka nahay, waxaynu u baahan nahay in aynu labada indhood wax ku eegno kuna dayano gobolka awdal.

    Wa bilaahi tawfiq
    Abdi samad Ahmad

    • says

      waa sax intii isfahmaysa inay wax wada qaybsadaan,lkn suaal sidaas aad adigu uhadashay hargaysa loogama hadlo ee waxay yiraahdaan dhulkaan aa waa dhulkii ingiriisku nasiiyay hadii dadka dagan diidaan inay nasoo raacaan ha isaga tageen dhulka oo ha aadeen meelaha kale dhulkana anagaa u harayna.xaqiiqdii waa hadalka hargaysa yaal oo aanan

  2. says

    Alleylehe miinaan garane safarja siilaanyo waa bahdil iyo quudhsi iyo gurigaankaa qabsaday anaa ku daanshoonkaree car adigu kaalay

  3. says

    war dadkan iyagaa leh deegaankooda siday robaan bay kayeelayaan markaas waxan oran laha somaliland iyo puntland midkasta haku ekaato dhulkeeda puntland haku ekaato barri iyo nugaal intaas bay leedahaye somaliland haku ekaato burco iyo hargeysa ooha joojiyeen dhulka ay sheeganayaan labaduba waa khaldan yihin mida kale somaliland baa ba looqaatay in gogolka joogaan kuwa kale waxba lguma qabo aan ahayn qabiil harti baynu nahay waa laga baxay casri jaahigii waxa lamarayaa 2014 lasocda

  4. sakariye sh maxamed says

    koon furta dawlad la aan ayaa si daa ugashay markaasa ayay madaxwaye dalkii sa iyo dadkiisuba ay jecekyihin wax ka sheegayaan

  5. waayeel says

    Waa qoraal qiimo badan oo qaddarin mudan ee yaanuu dhoohnaan nagu dhaafin. Fadlan qoraalkan hala gaarsiiyo cidda ay sida dhabta ah u khusayso.