Ciidamada Soomaaliland oo gaaray nawaaxiga degmada Taleex

ciidankaSomaliland150414
Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Soomaaliland oo ay wehliyaan maleeshiyaad kasoo jeeda gobalka Sool, ayaa saaka gaaray nawaaxiga degmada Taleex oo hada xarun u ah maamulka Khaatumo.

Ciidamada Soomaliland oo la sheegay inay wataan gaadiidka dagaalka ayaa la filayaa inay doonayaan inay la wareegaan magaalada Taleex oo caasimad u ah maamulkii horey halkaasi loogu dhisay ee Khaatumo.

Ciidamada Soomaaliland ayaa hada xoogooda ku sugan deegaanka Goodaale oo qiyaastii dhanka waqooyi 50km uga beegan magaalada Taleex.

Magaalada Taleex ayaa laga dareemayaa xiisad iyo xaalad dagaal kadib markii la ogaaday imaanshaha ciidamada ka yimid dhinaca Xudun iyo Oog.

Maamulka Khaatumo ayaa bilihii lasoo dhaafay sheegayey in magaalada Taleex lagu qaban doono shirweyne lagu magacaabi doono maamul rasmi ah ee Khaatumo.

Horey ayey u jirtay khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay madaxdii sare ee maamulka Khaatumo, waxaana labo kamid ah sadexdii Madaxweyne ee Khaatumo ay hada kamid yihiin Xukuumada cusub ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland Prof.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa horey ugu dhawaaqay shirweyne isugu imaan doonaan beelaha wada dhistay Puntland oo ay ku jiraan issimadii wax ka dhisay maamulka Khaatumo, si loo saxo khaladaadkii hore isla markaana looga shaqeeyo dib usoo celinta deegaanada uu la wareegay maamulka Soomaaliland.

Walow qaar kamid ah issimada deegaanada Sool iyo Cayn ay taageereen fikirka Madaxweynaha Puntland ayaa hadana waxaa arrintaasi si weyn uga biyo diiday hogaamiyaha Khaatumo Maxamed Yusuf Indhosheel oo dhawaan booqasho ku tagay magaalada Muqdisho, Indho-sheel oo hada ku sugan Taleex ayaa sheegay in loo baahan yahay dhismo maamul Khaatumo oo dhameystiran kaasi oo leh Baarlamaan iyo Xukuumad.

Dhinaca kale wararka aanu ka helayno Madaxtooyada Garowe ayaa sheegaya inuu halkaasi ka socdo kulan deg deg ah oo uu shir gudoominayo Madaxweyne Kuxigeenka Puntland, Cabdixakiim Cabdullahi Xaaji Cumar Camey, kulankaasi oo looga hadlayo dhaq dhaqaaqa ay wadaan ciidamada Soomaaliland.

Horseed Media

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »

Comments

  1. says

    Puntaland iyo khatumo wa laba wa ul iyo diir keed mohammad cali ogoow xasuuqa aad sheegaysana wa wax aad bun buni naysa hase ahaate daka dowlad sheeganaya oo hadan madax doo di habeen walba iyo malin walba la la baxayo xog tooda sir tooda iyo wada niyadoo shi sheeye u dhiibtay waa somaliland intaad taleex ujeedo hargeysa new poliska habeen walba isi madiina iyo madaxda labaxaya wax ka dheh