Xildhibaankii labaad oo 24 saac gudahood Muqdisho lagu diley

Xildhibaan Cabdicasiis Isaaq Mursal ayaa noqdey xildhibaankii labaad oo muddo 24 saac ah gudahood Muqdisho lagu diley.

Dilka Xildhibaanka ayaa ka dhacay subaxnimadii maanta oo Salaasa ah, meel aan waxbadan ka fogeyn hoyga uu ka deganaa degmada Dharkeynley.

Dad ku dhawaa halka dilku ka dhacay ayaa sheegaya in Xildhibaanku uu ku sii socdey meel gaarigiisu u yaaley, waxaana dilkiisa loo adeegsadey rasaas. Xildhibaan Cabdicasiis ayaa ahaa xoghayaha baarlamaanka ee guddiga kheyraadka dabiiciga ah.

Maalintii shalay waxaa qarax lagu diley Xildhibaan Isaaq Riino, oo Baarlamaanka ka soo galay gobolada Baay iyo Bakool iyada oo la dhaawacay mid kale.

Dilalaka Xildhibaanadna ayaa imaanaya iyada oo Muqdisho uu ka furmey shir maalinta berri ah soo xirmaya kaas oo looga hadlaayo amaanka.

Si kastaba ha ahaatee dilalka xildhibaanada golaha sharci dejinta ayaa noqdey mid welwel cusub dadka ku abuurey iyada oo aan waxba laga qaban dilalakii horey u dhacay.

Horseed Media 2014

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »

Comments

  1. shamis says

    to puntlander boowe balayo meelkasta waa jogta anagana dalkan uxisnay adna waa ka dayrinaysa marka ilahy talo saaro dalkaga khayrayso insha allah wax kasta waa hagagayan