Nugaal oo iska caabin adag kala kulantay xulka gobalka karkaar

karkar

Waxaa maanta garoonka kubadda cagta ee Mire Awaare ee magalaada Garowe ay ciyaar adag ku dhexmartay gobolada karkaar iyo Nugaal, ciyaartaasi oo qeyb ka ahayd tartanka goblada Puntland

Labada gobalka ayaa ka wada tirsan guruubka A, iyadoona galabta cyaartii dhexmartay ay ka soo qeyb galeen taageeraayaal aad u fara badan oo ka kala socday labada gobal

Waxa markii lagu dhawaaqay seeriga ciyaarta ay ku bilaawatay weerar iyo weerar celis oo ay isku qaadayeeen labad xul

Xulka gobalka Nuagaal ayaa u suurta gashay in ay sedex gool ku luxaan shabaqa xulka gobalka Karkaar, kadib hal mar garoonka waxaa is qabsaday saxan ka imaanyey taageerayaasha Nugaal

Ciyaartoyda gobalka Karkaar ayaa weerar aan caadi ahayn ku qaaday xulka gobalka Nugaal, taasi oo suur gal ka dhigtay in xulka karkaar helaan goolkii ugu horeeyey, waxaana qeybta hore ee ciyaart lagu kala nastay 3-1 oo ay ku hogaaminaysay Nugaal

Markii la isku soo laabtay ciyaarta qeybtii dambe ayaa waxaaa weerar aan caadi ahayn mar labaad lagu qaaday xulka Nugaal waxaana ciyaartoyda Karkaar u suurta gashay in ay la yimaadan laba gool oo ciyaarta ka dhigtay barbar dhac 3-3

Waqtigii loogu tala galay ciyaarta waxa ay ku soo itlaatay 3-3. waxaana ciyaartan lagu tilmaami karaa tii ugu adkeed ee k dhcday garoonka Mire Awaare tan iyo markii uu bilowday horyaalka Puntland

Dhanka kale waxaa ciyaar adag iyana ay dhexmartay gobolada kala aha Sanaag iyo Gardafuu oo iyaguna ku jira guruubka A.

Waxay ku soo itlaatay ciyaartii dhexmartay Sanaag iyo gardafuu 0-0

horseedmedia 2014

Facebook Commnets

Horseed Media is using Facebook comments on stories. To post a comment, log into Facebook and then add your comment. We ask you to avoid personal attacks, and please keep your comments relevant and respectful. If you encounter a comment that is abusive, click the "X" in the upper right corner of the comment box to report spam or abuse. Commenting policy can be found HERE »

Comments

Leave a Comment - Ra'yigaaga dhiibo